“..Xalka qudha ee sicir-bararka lagu joojin karaa waa in Lacagta Zaad iyo E-dahab lagu isticmaalo Shillin loo bedelaa..”Xukuumadda
“..Dollar Cadaan ah ama Zaad inaan wax ku iibiyo Mooyee, wax kale garan maayo …“ Iibiyeyaasha Badeecada Daruuriga ah
Ma Khasnada Dawladaa Madhatay…Mise xukuumadda Doorashada gelaysa ayaa Dollar-ka Uruursanaysa…? GNA
Hargeysa(Hubaal) Dhakhtarku marka uu dhayayo qof dhaawac ku yaallo, inta aanu bilaabin dhaymaha , isla markaana Daawada bakteeriyada la dagaalanta marin goobta Nabarka, waxa khasab ah inuu marka hore nadiifiyo Isha dheecaanka iyo qoyaanku ka imanayo ama ku qalalay, si uu dibada uga soo dhigo dhidhka iyo guntimaha ka samaysma dhiiga ama hadii ay jiraan waxyaabo kale oo gudaha Boogta gaadhay, laakiinse taas cakiskeeda bal ka warama hadii Dhakhtarku uu Daaweynta Boogta ama Nabarka isagoon nadiifin uu Dhaymada dusha ka marmariyo?.
Su’aashan jawaabteeda garaadka ku dhisani waxay ina tusinaysa inay dhici kartaa in nabarkaasi Buksan karo, balse markuu buskado ee ay isqabsadaan jidhka iyo Diirkuba ay Guntimaha gudaha Boogta ku bogsaday saameyn muuqaal iyo mid Caafimaadba ku yeeshaan qofka dhaawacmay. ka waramase hadii uu Dhakhtarku yidhaahdo marka nabarku Bogsado ayaa inta dib loo qalo laga soo gurayaa guntimaha Nabarka u yeellay Burrada ama Ammaarada Kuusan”!.taas waxa ka dhigan go’aanka ay xukuumadda Somaliland iyo Shirkaddaha gacanta ku haya Dhaqaalaha ugu badan ee dalku, shalay ku dhawaaqeen in lagula tacaalayo Aaffada Sicir-bararka ee halakeysay Danyarta waddanka, kaasoo heerkii ugu xumaa iminka maraya.
Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga dhexe ee Somaliland,Shirkaddaha Telesom iyo Somtel iyo Sarifleyaasha Somaliland ayaa Kulan wada-jira oo ay Magaalada Hargeysa ku yeesheen kaddib, daboolka ka qaaday inay isku af-garteen in la tayeeyo Lacagta Shillin-ka Somaliland, islamarkaana Lacagaha Telefonka lagu qaato ee Zaad iyo E-dahab laga dhigo Shillin-ka Somaliland, waxaanay tilmaameen in nidaamka Lacagaha Telefonka lagu bedelayo Shillinka Somaliland horumar fiican laga sameeyay, una hadhsantahay oo kaliya in la dejiyo farsamada Shirkadduhu ugu wareegi lahaayeen Shillin-ka.
Gudoomiyaha Bangiga dhexe, Cabdillaahi Xaaji Cali oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in xalka qudha ee lagu xakameyn karo Sicir-bararka Maceeshada iyo Sarifka lacagta ay u arkaan bedelka lacagta lagu isticmaalayo Isgaadhsiinta.
Gudoomiyaha ayaa intaasi raaciyay “Markii dhan walba arrimaha laga eegay, muddana ka shaqaynaynay Waxaanu intayadani ba isku afgaranay in marka hore laga bilaabo labada Nidaam ee Zaad-ka iyo E-dahab oo ku shaqeeya hanaanka Dollarka, oo dadkuna jeebka kuwada sitaan oo wax ku iibsadaan, oo Shillin-kii Somaliland runtii aad cidhiidhi u galiyay, oo qof walba aanu Shillin sidane doolar sito oo wax ku Iibsanayo oo shaahii ku cabayo, Baskii ku raacayo oo wax walba ku iibsanayo, markaa waxaanu isla garanay in nidaamkaas laga saaro oo laga dhigo Shillinka Somaliland, dhamaantayo sidaas baanu isla garanay, wakhtiga rasmiga ah ee la bilabi doonana insha Allah waanu soo sheegi” ayuu yidhi Gudoomiyaha Bandhiga dhexe oo sharaxayay Kulanka dhacay Axaddii maanta.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Aadan oo Shirka saddex geesoodka ah ka hadashay, ayaa iyana Bulshada ugu baaqday inay joojiyaan Qaadashada lacagta Qalaad. “Waxaanu Umaddeena u sheegaynaa inay doolarka ilaawaan ma lihin Doolarka, Shillin Somaliland baynu leenahay, dukaankan marka la galo ku odhanaya Shaygu waa 5 Dolar ama 7 Dolar waa inuu ku yidhaa waa intaas oo Shillin Somaliland ah, adigana waa inuu Jeebkaaga kuugu jirtaa Shillin Somaliland aad wax ku Iibsato”ayuu yidhi wasiirku.
Waa dhab, marka aan xaqiiqda geed looga soo wareegayn, in xaddiga lacagaha qalaad ee Dollarka ka mid yahay ee Bulshadu Isticmaashaa hoos u dhigtay qaadashada Lacagta Shillinka iyo qiimihiisaba. taasise maaha wax cusub ee waa dhibaato muddo soo jiitamaysay oo ay in badan ka hadleen Khubarada Dhaqaallaha iyo indheer garadka Dalkuba, hase-ahaatee waxa is-weydiin mudan miyey dawladdu wayday dariiq kale oo inta qorshahan la dhaqan gelinayo lagu dejiyo xaalada iminka taagan?. “Mise arrintu waa qowda maqashii oo waxba ha qaban!” .
Waayo? Heerka qiimo dhaca Shilinka Dalku marayo iyo saameynta uu ku yeeshay noloshu, waxay gaadhay in la naco Lacagta Kaashka ah “Annaga waxa noo wanaagsan in qofku uu sito lacag Dollar ah ama ZAAD, laakiinse markuu sito lacag kaash ah inaanu diidno wax ka iibintiisa ayaanu ku dhawnahay iminka, waayo sicirkii alaabta aad siinaysay iyo Qiimihii doollarka ee wax lagaaga iibinayay Kaashku isma laha” sidaasi waxa Wargeyska Yool u sheegay mid kamida Iibiyeyaasha Dukaamada Badeecadaha daruuriga ah Iibiya oo magaciisa ku sheegay Axmed.
Axmed ayaa intii Wariyeyaasha Wargeyska Yool ku sugnaayeen dukaankiisa waxa Beer Kabaha Dacaska loo yaqaano uu ka Iibiyey Nin kamida Macaamiishiisa oo ay isku khilaafeen Qiimaha Iibka. Axmed ayaa Macbiilka kala dooransiiyey inuu Kabahan ka bixiyo lacag dhan Sideed kun iyo Shan boqol oo Shillinka Somaliland ah (8500Shls), ama Hal dollar oo caddaana ama ZAAD ah. Macbiilka Kabaha Iibsanayay ayaa isla markiiba jeebka kala soo baxay Telefoonkiisa gacanta oo qaybta Zaadka lacagi ugu jirtay, waxaanu lambarka Meheradaas ku shubay Hal dollar oo Zaad ah.
Tani waxay ahayd dhacdo uu Markhaati ka ahaa Wariye Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale) oo ka tirsan Bahda Wargeyska Yool iyo Wakaallada wararka ee GNA.
Haddaba Marka la eego farqiqa u dhexeeya qiimaha Iibka Dollarka iyo ka Kaashka, waxaad dareemaysaa in Ganacsaduhu halkii Dollar ku qiimeeyey siddeed kun iyo shan boqol oo shillin ah, isla markaana waxa kale oo aad dareemaysaa inuu aad u fuullay Sicirka Badeecadan, oo xagga Kaashka saaray Lacag ku qiyaasan Kun Shillin oo lacagta Waddanka ah.
Ganacsadahan ayaa isagoo ka waramay saameynta kor u kaca Dollar-ku ku yeeshay intaas raaciyey “Bakhaaradii aanu wax ka soo iibsanaynay ayaaba ku odhanaya Kaash ma qaadanayno, hadii kalena waxay kuugu dhufanayaan waxay doonaan, markaa dee inaan iska dayno iyo inaan sidaas yeellno wax ka dhexeeyaa ma jiraan” ayuu sii yidhi Axmed.
Maaha arrin ugub-ba, in Sicirka Baddeecaduhu la kaco Lacagta Dollar-ka, hase-yeeshee xaaladdu iminka waxay u eegtahay mid faraha ka baxday, kaddib markii ay meesha ka baxday gacantii dawladda ee Suuqa Sarifku, sida ay Jimcihii Warbaahinta u sheegeen qaar kamida Ganacsatada iyo Sarifleyaasha hoose ee Suuqa Waaheen. “Sicir-bararbaa jira aad u xun, oo faraha ka baxay” ayuu Telefishanka Star u sheegay mid kamida Jeebleyaasha goobaha Ganacsi ku haysta Suuqa Waaheen.
Haddaba, Sidaas markay xaaladdu tahay, muxuu yahay xalka laga raadinayo istaraatiijiyada fog ee joojinta Lacagta Telefoonnada lagu isticmaalaa, miyaa la waayay mid ka dhow oo xataa ku-meel gaadh ah.
Ma Khasnada Dawladda ayaa Madhatay oo laga waayay Lacag Dollar ah oo Suuqa lagu sii daayo..? Ma dawladdaa ka qashaafaysa Xeraynta Kaashka faraha badan ee suuqa ku jira oo dollar-ka xaraysanaysa, si aan hadii Doorasho dhacdo badhtamaha sanadkan loogu soo gaadhin Kayd lacageed oo xisbi kale ka dhaxlo, hadii hogaaminta lagaga guulaysto.. Mise indhaha Bulshada ee damqashadu ku jeedisay dawladda ayaa lagu sababayaa hees Wal-waaleed lagu dejinayo cabashada caloosha noolaha Aadmiga ka imanaysa ee xanuunka dareentay. Sidoo kale, arrinta kale ee Isweydiinta abuurtay waxay tahay, sida ay Dawladda Cashuurta ku qaada Dollar-ku u xakameyn karto Lacagta Khasnadeeda fasaqday.
Dhamaan jawaabta Su’aallahani waxay Hal-xidhaale ku yihiin Qasriga Madaxtooyada iyo laamaha Dawladda u qaabilsan Maamulka Lacagta oo ay fariinta shalay ka soo yeedhay dad badan ku noqotay Kaaf iyo kala-dheeri ma Dhakhtar dib u dhayaya Nabar Dhidh ku buskaday.
source:yool