Hargeysa (Hubaal) Wasaaradda isgaadhsiinta iyo tegnoolajiyada Somaliland ayaa wareegto ka soo saartay fariimaha shirkadaha isgaadhsiintu u gubiyaan bulashada adeegyadooda isticmaasha. Wareegto uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradaas isgaadhsiinta iyo tiknoolojiyada Dr. Cabdiweli Suufi Jibriil ayaa lagu sheegay in talaabo laga qaadi doono shirkadda amaradaas u hogaansami wayda.
Haddaba wareegtadan ayaa u dhigneyd sidan:
“Wareegto wasiir oo nidaaminaysa fariimaha xanbaarsan xayaysiisyada, ogeysiisyada, oo hirgeli doonta kowda bisha January 1/1/2022 kana kooban qodobadan soo soda.
1 In shirkadaha isgaadhsiintu xaq u leeyihiin gaadhsiinta iyo la socodsiinta macaamiishooda adeegyada isgaadhsiineed ee ay iyagu bixinayaan oo kali ah.
2 In fariimaha isgaadhsiineed ee xanbaarsan xayaysiisyada, ogaysiisyada ay shirkadaha isgaadhsiintu u qabanayaan cid kale ay ku gaadhi karaan macmiilka ogolaanshiyo laga helayo macmiilka.
3 In fariin kasta oo uu macmiilku helayo isla markaana xanbaarsan xaysiis, ogeysiis cid kale leedahay lahaato qayb awood u siinaysa macmiilka in uu iska xidhi karo, joojin karo.
4 In laga qaado shirkadda jabisa wareegtadan ganaaxyada uu qeexayo qodobka 73-aad ee xeerka boosha iyo isgaadhsiinta Somaliland Xeer.Lr.50/2020.”