SOMALILAND: Turkiga, Turkiga,Turkiga, Turkiga. SOMALIA: Muqdisho, Muqdisho, Muqdisho, Muqdisho

0
21

“Waxaan iswaydiinayaa Xirsi iyo Xasan Sheekh maxaa ka dhexeeya?. Muxuu doonayaa in Hargeysa iyo Muqdisho isu noqdaan?”

Hargeysa,(Hubaal) Iyadoo xubno loogu yeedhay u sii gogolxaadhka shirka Somaliland iyo Somalia ay ku maqan yihiin Turkiga, ayaa lagu wadaa inay dhawaan iyana dalkaa gaadhaan Madaxweynayaasha labada dhinac Axmed Siilaanyo iyo Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasoo la filayo inay gudagalaan meerto kale oo wada xaajoodka.

Inkasta oo aanay jirin warar si rasmi ah loo shaaciyay oo ay mawduucan kaga hadashay dawlada Soomaaliya, hadana dhinaca Somaliland waxay xukuumaddu ku dhawaaqday, in la gelayo meerto kale oo wadahadalo ah, kuwaasoo ka dhici doona Turkiga, isla markaana waxa dhinaca Turkiga u duulay wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xasan, waxaana ka sii horeeyay Wasiirka arrimaha Dibadda Maxamed Biixi. Siday illo xog ogaal ahi tibaaxeen waxa kale oo isna halkaa tegay wiilka Soddoga u yahay Madaxweyne Siilaanyo ee Baashe Cawil, hase ahaatee lama hubo ujeedada socodkiisa iyo inay isa sii raaceen wasiirka madaxtooyada iyo in kale.

Dhinaca kale siday sheegeen warar aanu ka helay Muqdisho iyo Nayroobi, lama sheegin xubno dhinaca soomaaliya ka socda oo gogol xaadh ahaan u tegay Turkiga, isla markaana waxaan weli saldhigan khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya madaxda ugu saraysa maamulka soomaaliya, kaasoo sabab u noqon kara baaqasho dhankooda ka timaada. Hase yeeshee xogahaasi waxay intaa ku dareen, in qorshuhu yahay in labada madaxweyne ay dhawaan u safraan dhinaca Turkiga, ka hor inta aanay halkaa gaadhina ay ku sii hakadaan Jabuuti, halkaana ay wadajir isugu sii arkaan labadooda iyo madaxweyne Geelle.

 Buuga Somaliland iyo Soomaaliya Wadahadalkoodam

Wadahadalada Turkiga ee labada dhinac ayaan heshiisyadii hore loogu gaadhay ka fulin dhanka dawlada Soomaaliya, isla markaana waxay wararku tilmaamayaan in aanay u jajabnayn sii socodkooda. Dhinaca xukuumadda soomaalilandna, waxa dadka arrimaha siyaasada ka faalloodaa ku tilmaamaan, mid kaga raadgadanaysa duruufaha daakhiliga ah, isla markaana ajande la,aan sakhsiyo aan ka turjumi Karin miisaanka masiirka wada xaajood lala galo soomaaliya, ay keligood iska dhaqaaqaan, taasoo mugdi wayn gelisa ogaanshaha waxa socda. “Xukuumaddan kala socotaa waa mashruuc doon ee maaha masiir doon”, sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka dhaliila xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Muqdisho masiirkeedu wuu cad yahay, laakiin Hargeysa kii cadayn lahaa ayaa mugdi gelinaya, balse Hargeysa dib loo liqi maayo. Waxaan iswaydiinayaa Xirsi iyo Xasan Sheekh maxaa ka dhexeeya?. Muxuu doonayaa in Hargeysa iyo Muqdisho isu noqdaan?. Umaddan waxa ka go,an in Hargeysa iyo Muqdisho noqdaan laba caasimadood oo siman”.

warbixintan waxa iska leh wargeyska Ogaal

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here