Somaliland: Waddada Laamiga Ah Ee U Dhexeeysa Ceerigaabo Iyo Ceel-Afweyn Oo La Furay

0
76

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Waddooyinka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Waddadan Laamiga Ah Oo Dhererkeedu Yahay 86 Kilomitir

Ceel-afweyn (Hubaal) Waxa maanta si ra smiya loo furay Waddada wayn ee u dhexeeysa magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo iyo Ceel-Afweyn ee Somaliland. Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta waddooyinka Somaliland Cabdillaahi Abokor ayaa maanta xadhiga ka jaray Waddadan laamiga ah oo dheereerkeedu yahay 86 kilomitar isla markaana qayb ka ah mashruuca dhismaha laamiga ilaa magaalada Burco oo dhan 284 kilomitar.

Waa mashruuca ugu wayn ee halkaasi laga bilaaabay oo shanti sanno ee lasoo dhaafay soo socday, waxaana ilaa iyo haatan ku baxay 22 milyan oo doolar.

Waddadan isku xidhaysa Ceergaabo iyo Burco ayaa intaan la dhisin shacabka deegaanka ku qaadan jirtay ilaa 12 saacaadood mararka ay roobabka da’aana dadka ay habeen u dhixi jireen balse hadda waxay ku qaataan 4 ilaa 5 saacadood, sida ay Dadka deegaanka u sheegeen weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here