“Dawladda Itoobiya Xaq Bay U Leedahay Inay Siyaasaddeeda Dibeddu Meeshii Ay La Gashaba Ay Tagto, Taasina Mid Somaliland Wax Yeelaysa Maaha, Oo Waa Mid Sii Xoojinaysa, Qasbaysana Inay Dalalkani Degaan, Negaadaan, Nabad Ku Naaloodaan Dabadeedna Ay Dhagaystaan Qadiyada Somaliland.”
Boobe Yuusuf Ducaale Oo Safarkii Abiy Ahmed Ku Tegay Muqdisho Ku Tilmaamay mid Dheef Mooyee Aan Dhibaato U Lahayn Shacbiga Somaliland Iyo Geeska Afrikaba
waxaan leeyahay shalayna annagaa midnimada keenay maantana annagaa u taagan
Hargeysa (Hubaal) Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale ayaa ka hadlay safarkii uu Ra’iisel wasaaraha Itoobiya Mr. Abiy Ahmed ku tegay magaallo-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho iyo sidoo kale saamaynta uu ku yeeshay Somaliland.
Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo waraysi gaar ah siiyay telefishenka ZAAB, isagoo ku sugan Hargeysa ayaa ugu horreyn waxa uu tilmaamay inaanay wax nusqaan ah ku yeelan doonin geeddi socodka madax-bannaanida jamhuuriyadda Somaliland, balse ay ka turjumayso horumarka geeska Africa iyo ta Somaliland ba.
“Waxaynu ognahay taniyo intii xilka loo magacaabay ra’iisel wasaare Abiy Ahmed, tallaabadiisii koowaad waxa uu ugu ambobaxay Killilka shannaad ee dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, isagoo go’aansaday inuu soo xidho, dudada koowaad ee dalka Itoobiya, isagoo ka bilaabaya booqashadiisiii uu kusoo marayay dawlad deegaannada kala duwan, kaa Soomaalida, ku xigsiiyay ka Oromada, waliba xil gaar ah iska saaray xurguftii labadaa Qoomiyadood dhextaalay, intii uu bogsiin karo inuu bogsiiyo. Waxa kale oo aynu ogsoonahay in booqashadiisii labaad, oo ahayd sidii uu usoo xidhan lahaa dudada labaad uu ka bilaabay dalalka Itoobiya la jaarka ah, isagoona ka bilaabay dalka Jabuuti, dabadeedna tegay Soodaan, Kiiniya, waxa ugu xigay labadii dale e u hadhsanaa, oo ay ka mid ahayd Eriteria inuu aqoonsaday in gobolkii laysku hayay iyo dhulkii uu dilka badani ka dhacay u aqoonsado, isagoo go’aankii Aljeris lagu gaadhay raacaya, inay dawladda ERiteria leedahay. Dalalkaa waxa u hadhsanaa uun dalka Soomaaliya, iyadana shalay (doraad) buu tegay. Maaha waxay dhibsadaan shacabka reer Somaliland. Shacbiga reer Somaliland waxa u dan ah, in marwalba oo ay nabadgelyada geeska Afrika sii xoogaysataba ay helayaan dhego u nugul inay maqlaan qadiyadooda, oo degaanshuhu uu sababayo in fursad la siiyo in Somaliland la dhagaysto, laakiin inta xiisadahu ay taagan yihiin iyo colaaduhu ee ay weerar iyo daafac tahay, dalalkaas dareenkoodu wuu maqan yahay sida laguu dhagaystaana way adagtahay. Sidaa daraadeed waxaan dadweynaha reer Somaliland u sheegaynaa in booqashadaa uu ra’iselwasaaraha Itoobiya ku tegay magaallada Muqdisho ay ahayd mid wax ka taraysa nabada iyo degenaanshaha geeska Afrika, isla markaana xal loogu raadinayo sidii geyigan ay uga dhici lahayd nabad waarta oo dhab ahi. Dawladda itoobiyana xaq bay u leedahay inay siyaasaddeeda dibeddu meeshii ay la gashaba ay tagto, taasina mid wax yeelaysa Somaliland maaha, iskadaaye, waa mid sii xoojinaysa oo qasbaysa inay dalalkani degaan, negaadaan, nabad ku naaloodaan dabadeedna ay dhagaystaan qadiyada Somaliland.” Ayuu yidhi qoraa Boobe Yuusuf Ducaale
Dhinaca kalena waxa uu tilmaamay in go’aankii uu ra’iselwasaaraha Itoobiya ka qaatay khilaafkii dhinaca xuduuda ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Eriteria ay tusaale wanaagsan u noqon karto midka u dhexeeya Soomaalida. “way u noqon kartaa, innagana waxa laynaga rabaa laba arrimood; Arrinta Tuka-raq taalla ee dagaaladu ka socdaan waa arrin ku xidhan wadahadalkii iyo murankii dhexyaalay Soomaaliya iyo Somaliland. Waxay ila tahay marka ay wadahadalau dib u furmaan, inay noqon doonto, wax yaroo faraca oo ku jira waxyaabaha guud ee laga wadahadlayo, halkana waxaan jeclahay inaan ku xuso midnimada Soomaaliyeed annagaa u taagan, shalay annagaa u taagnayn maantana annagaa u taagan oo annagu waxaanu taagan nahay, laba Jamhuuriyaddood oo Somaliland iyo Soomaaliya la yidhaa, maantana waxaynu arkaynaa in Soomaaliya ay sarifantay oo ay toddoba jamhuuriyaddood sii socoto oo walibana ay kudaba jiraan qaar kale oo fara badan oo burrito laga yaabo innaynu aragno Hir-shabeelle oo laba ah, Gal-mudug oo laba ah, Koonfur-galbeed oo laba ah iyo waxyaabo caynkaas ah, markaa waxaan leeyahay shalayna annagaa midnimada keenay maantana annagaa u taagan.” Ayuu kusoo afmeeray hadalkiisa.