SOMALILAND: Wel-Welka Hanti-Goosiga Laba Geesoodka Ah Oo Caalamka U Gudbay

0
18

“Xog waraysiga aan helay, ma jiro dhul aan dhihi karno caddaalad ama dariiq sax ah ayaa lagu bixiyey” Qoraa Maxamuud Faarax

Hargeysa(Hubaal)-“Waxa dhawaan hay’adda Oxfarm International ay soo saartay war bixin iftiiminaysa, in Boqolkiiba hal (1%) oo ah dadka adduunka ugu taajirsan ay gacan tooda ku jiri doonto in ka badan 50% hantida adduunka, sanadka 2016k, taas macnaheedu waxa weeye in boqolkiiba hal taajiriinta adduunku ay kala badh hantida adduunku gacantoodu ku jiri doonto.”sidaasi waxa Warbixin uu ka diyaariyey Somaliland ku bilaabay Faarax Maxamuud oo ah Nin Qoraaya oo u shaqeeya Hay’adda OXFOM fadhigiisuna yahay Dalka Maraykanka.

ProjctAreasSomaliland-300x164Qoraaggan oo asal ahaan ka soo jeeda Somali, balse haysta Dhalashada Maraykanka, ayaa wuxuu warbixintiisa si qoto dheer ugu faaqiday heerka boobka Hantida guud ee umadda ka dhaxaysa iyo siday ugu talo-tagaan Dawladda iyo Ganacsatada oo isbahaysanayaa. Wuxuu sheegay in safar gaaban oo uu ku tegay Gobollada dalka ku yiqiinsaday khaladdaadka ku takri-falka Dhulka danta guud oo farta uu ku fiiqay inay isu bahaysteen Dawladda iyo Ganacsato Dhaqaale-goosi ah.

Ninkan oo soo xiganaya Warbixin  Hay’adda OXFOM ka diyaarisay amuurtan, ayaa wuxuu ka dayriyey Mushkiladda ku gedaaman dadka dhaqaallahoodu hooseeyo, taasoo ka imanaysa dhanka fulinta iyo Maal-qabeennada.

“Haddaba aniga oo war bixinta tix raacaya, ayaan waxa aan jeclahay in aan iftiimiyo safar gaaban oo aan dhowaan Somaliland ku tegay, iyo sida warbixintani u khusayso, inta yar ee dhaqaalaha leh ee Somaliland ku nool iyo dadka intiisa kale. Inkasta oo aanan shaqsiyan ka soo hor jeedin dadka shaqaystay ee taajiray, haddana waxa muhiim ah in la iftiimiyo dadka yar ee hantidu gacantooda ku ururtay iyo sida nidaamka dawladeed ee mar walba ka jiray Somaliland, laga bilaabo wakhtigii (AHN) maamulkii Maxamed Ibraahim Cigaal iyo kan maanta jooga ay isu kaalmaystaan, iyaga iyo inta dhaqaale ahaan ladan; sidii danyarta loo dhici lahaa.

Safarkayga gaabani waxa uu ku ekaa magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera. Waxa aad indhahayga ugu dhacay Boobka Dhulka, oo inta badan lagu magcaabo Beero! Dhulkaas lagu magcaabay inta badan ma arkaysid, dhul la beeray, laakiin waxa loogu talo galay in marka dhulku qaali noqdo, hadhow dib loo googooyo oo la iibiyo. Dhulalkaas beeraha lagu magacaabay qaarkood waxa ay gaadhayaan ilaa 300 dheeraad hectar, ka dibna waxa lagu wareejiyey taar ama ood, taas oo sababtay in dhirtii degaanka ku taalay la xaalufiyo. Marka waxyar laga baxo magaalooyinka Burco iyo Hargeysaba, waxa aad arkaysaa reer miyi meel deggan oo taar ama ood lagu xeeray, markii aan weydiiyey cidda dhulka lehna, waxa ay ii sheegeen in dad iibsaday, laakiin ay asxaan u faleen oo ay iska degganaan karaan. “ayuu ku yidhi Faarax Maxamuud Qoraal uu ka diyaariyey arrintaas.

Waxaanu isagoo qoraalkiisa sii wata yidhi: Haddii dhulka ay dad lacag lihi iibsadeen, xaggee boobka dawladdu ka soo gashaa? Xog waraysiga aan helay, ma jiro dhul aan dhihi karno caddaalad ama dariiq sax ah ayaa lagu bixiyey, waayo sida war bixinta Oxfarm iftimiisay, adduunka inta lacagta leh iyo dawladaha ay ku hoos nool yihiin waxa ka dhexeeya wada shaqaysi hoose ama sharci ha ahaato ama yey ahaane.

Marka aan ka hadlayo maamulka dawladda, inta badan uma jeedo maamulka dhexe kaliya, ee meesha sartu ka qudhuntay waxa weeye maamulada gobolada sida dawladaha hoose, maayorada iyo kuwa kale ee la doortay. Haddii aan tusaale kale soo qaato, markii qof dhul beer u iibsaday, uu jarjaro oo dib u iibiyo, waxa laga qaadaa qofka dhulka jarjaraya qayb dhul ah oo lagu magcaabo “danta guud.” Danta guud waxa ay noqotay danta madaxda oo iyagu dhulkaas dib u iibiya kuna tagri fala. Intii yarayd ee aan Somaliland joogay, qofka aan dhihi karo dhulka uu iibsaday dan guud iyo mid gaar ah wax uu ku soo kordhiyey, waa Dr. Axmed Xasan Cawad, oo ah dhakhtar ka soo guuray Jarmalka degayna magaalada Burco. Dhakhtarku, dhulka uu beeray ama, xoolaha ku dhaqay waa dhul si fiican u maamulan, waxana uu ka bixiyey dhul tamaruc ah oo Iskuulo ama caafimiaad loogu talo galay.

Waxa kale oo iga yaabiyey, marka aad eegto magaalooyinka, Burco iyo Hargeysaba dhul aad u weyn oo wareegsan oo lagu leeyahay waa beertii hebal ama heblaayo, kuwaas oo ka mid ah dad madax ah ama hore madax u ahaan jirey. Ayaan darada dhul boobku kuma eka agagaarka magaalooyinka waaweyn ee waxa ay ku fidday tuulooyinkii iyo miyigii xoolo dhaqatadu degi jirtay, taas oo aad u xayirtay dhaqdhaqaaqii duunyada iyo dadkii masaakiinta ahaa ee dhaqan jirey. Waxa kale oo beryahan soo caan baxay dad badankoodu qurbaha ka soo noqday oo qabsaday dhulal geela lagu dhaqo, si caanihiisa magaalooyinka waaweyn loo geeyo. Inkasta oo aanan shaqsiyan ka soo horjeedin ururinta iyo dhaqidda geela ama xoolaha kale, waxa aan aad werwer uga qabaa in dhulkii dadka/reer miyiga u dhexayn jiray ay shaqsiyaad iska ootaan, reer miyiga intoodii kalena dhul la’aan la dhigo.

Dhul boobku meelaha magaalooyinka ka baxsan keliya kuma eka ee waxa aad uga hir galay dhammaan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Dadka dhaqaalahoodu ladan yahay, waxa ay doonaanba ha ahaadaane, waxa ay xadideen in jiilka soo korayaa ay awood u lahaadaan in ay hanti ma guurto (guri) ah ku lahaadaan magaalada Hargeysa ha ugu sii daraatee. Waxa aad habeen walba arkaysaa dhalinyaro aad u da’yar oo is aroosaysa, laakiin ay ku adag tahay in ay helaan meel/guri awoodooda dhaqaale kaabi karta oo ay ku noolaadaan, iska daa in ay caruur ku korsadaane. Dhalinyaradan badankoodu maadaama aanay awoodin in ay guri iibsadaan, waxa ay dantu ku kaliftaa in ay kiro raadsadaan, taas oo abuurtay in kiradii magaaladu kor u kacdo, dhalinyaro badanina ay awoodi kari waayaan in ay helaan sharaf leh oo ay ku noolaadaan, qaarkoodna waxa ay ku kaliftaa in ay cooshado degaan, arrintaasina waxa ay abuurtaa in dhalinyaradii ay ka mid noqdaan, dadka magaalada ugu faqiirsan.

Haddaba, haddii xaaladda dhul boobka ah aanay dawladdu si deg deg ah wax uga qaban soona saarin sharciyo cusub oo lagu xakamaynayo dhaca dhulka iyo hantida loo siman yahay, waxa ay arrintani Somaliland u keeni kartaa cawaaqib xumo kii wax haystay wax ku waayo, xasilooni laáanna abuuri karta mustaqbalka.”.

Maaha markii ugu horaysay ee Xukuumadda Somaliland lagu eeddeeyo Boobka dhulka danta guud ah, taasoo sida la rumaysanyahay noqonaysa xukuumaddii ugu Musuqmaasuqa badnayd xagga dhaxal-wareejinta Hantida Guud ee Ma-guurtada ah. Hase-ahaatee waxa aad laysu waydiinayaa nusqaanta ka iman karta hadii Bulshada Caalamku arrintan ku soo faro-geliyaan dawladda, ama ku xidhiidhiyaan falalka Musuqmaasuq ee Maaliyaddeed oo ah waxa ugu muhiimsan ee aadka looga Ilaaliyo Maamullada inay ku talax-tagaan leexsigooda.

source:gobanimonews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here