By: Khadar Maxamed, Suxufi ka tirsan Dawan
Hargeysa (Hubaal) Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa dood iyo falanqeyn ka yeeshay abaaraha baahsan ee dalka ka jira. Sidoo kale waxa ay baaq qaylo dhaan ah ka direen arrintaasi, iyaga oo xukuumadda ugu baaqay in si deg deg ah loogu gurmado dadka biyo la’aantu hayso. Xildhibaan Axmed Quule, oo ka mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa xukuumadda u soo jeediyay in dawladda Taiwan ay ka codsato qodita lix Riig oo biyo la’aanta lagaga raysto. Dhanka kale xildhibaan Axmed Dirir Cali, ayaa ku taliyay in dawlad degaanka Soomaalida iyo Somaliland ay iskaashi dhaw uga yeelan lahaayeen ka hortaga aafooyinka abaaraha.
Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo furay fadhiga golahaasi ayaa mudanayaasha ku wargeliyay in ay ka doodaan ajandaha 77 farqadiisa abaaraha.
Xildhibaan Axmed Dirir Cali, ayaa soo jeediyay in dawladd degaanka Soomaalida iyo Somaliland ay iskaashi dhaw ka yeeshaan sidii abaarta looga hortagi lahaa.“Sannadkasta waa ay ina soo marta abaartu, wax diyaar garow ahna kama sameyno, marka ay dhacdo waxa aynu nidhaahna abaarba jirta, ee hala isu’gurmado.
Waxaan soo jeedinayaa, in loo sameeyo abaaraha u diyaar garowgooda wasaarad u gaar ah, marka abaaruhu haddii ay ka dhacaan dawladd degaanka Soomaalida iyo haddii ay Somaliland ka dhacaan labaduba saameyn ayay isku leeyihiin, sababta oo ah dawladdaha uunba kala duwan ee dhulku waa isku dhul dadkuna waa isku dad, haddaba Somaliland iyo dawlad degaanku iskaashi dhaw haka yeeshaan ka hortaga aafooyinka abaaraha.”
Xildhibaan Cumar Nuur Waaye, ayaa si weyn uga dayriyay xaalada abaareed ee ku habsatay dadka iyo duunyada reer guuraga ah waxaanu yidhi.“Shir’guddoonka waxa aan leeyahay fadhiga ka kaca oo madaxweynaha iyo wasaaraddaha waa in la sameeyaa guddi Qaran, sidii dadka abaartu saameysay wax loogu helilahaa.
Dadkii Bakhtin ayay ku jiraan biyo la’aanta adag, ee Gu iyo Dayr midna aanay dadka weelkii biyaha waxba ugalin iyaduna waxa ay noqotay wax adag, ee Qasnada dalwadda hala furo, dhibaato adag oo abaareed ayaa dadka xoola dhaqato reer guuraga ku habsate”
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xasan Shaadh, ayaa mudanayaasha golaha guurtida ka codsaday inay lacag isaga jaraan dadka abaaruhu saameeyeen, kana qayb qaataan gurmada dadkaasi loo samaynayo. “Waxa aan leeyahay mar haddii aynu odayaal nahay muddo badana aynu fadhinay dadkuna ina eegayay, in dhaqaalaha manta inagu u bilowno, wax kastaba ha noqote, bil ha noqoto, laba ha noqoto, innagu aynu bilowno dhaqaalihii dadka abaartu hayso gurmad loogu sameylaha”
Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, ayaa xukuumadda Somaliland iyo mudanayaasha golaha guurtida ku adkeeyay in aan la dhayalsan abaarta baahsan ee ka jirta dalka bari iyo galbeedba. “Mashaakilka koowaad ee haysta dadka xoola dhaqatada ah ee abaartu saameysay waa biyon la’aan.
Riigaga biyaha ee laga cabo waxa ugu biyo badan ka degaanka Bali Dumar dushiisa ah, maalin walba ilaa 600 qof waa ay dul taagan yihiin, waxa ka sokeeya laba habeen iyo saddex habeen ayaa la dul fadhiyaa, horta biyo la’aantu halka ay maraysa waa halkaasi, barkadana biyo kuma jiraan, baadkiina markii la isku soo guray faro baas ayaa lagu hayaa.
Abaartu meel adag ayay maraysa ee wax yar oo fudud yaan loo qaadin, haddii inagu aynu dhaqaale iska ururin lahayn iyo haddii aynu dawladda guubaabin lahaynba arrintu aad ayay u adag tahay, waliba sidaasi ayaa marti la innoogu yahay oo aynaan kaligeen ahayn”
“Dawladda Taiwan aynu ka codsano in ayno qodo oo min 2 boqol oo mitir hoos u qodan, bal si biyo la’aanta aynu uga baxno”Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Quule.
Doodan mudanayaasha ayaa ku soo beegmaysa xilli qaar ka mida gobollada bariga iyo galbeedka Somaliland ay ka jirto abaar baahsan.