Hargeysa (Hubaal) Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan mudanyaasha golaha wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in uu kafaalo qaaday Waxbarashada 100 Arday oo danyara. Xildhibaanka ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo u dhignaa Sidan:
“Waa ii sharaf in aan maanta dib uga billaabay Buulkaygi ahaa Xafiiska Ololaha Doorashaydi Baarlamaanka Ololihii labaad ee Aqoonta Ardeyda Hargeysa ee awood dhaqaale u waayey in ay wax bartaan.
Ardeydan oo tiradoodu tahay 100 Ardey oo Wiilaal Iyo Gabdho ah danyarta iyo agoonta xaafadda Daamina ah,, Dugsiyada Nuuradiinna aan ka soo diwaan galiyey Lacagtooda Waxbarashana aanan Shirkad iyo Shaqsiyaad midnaba uga qaadin Illa inta ay dhammeynayaan dugsiga dhexe iyo sarreba aan dhabarka ugu ridanaayo.
Waxa aan Alle ka baryayaa in uu ka dhigo hormuuddo kaalin gala oo horumar gaadhsiiya dalkooda iyo dadkooda, Insha Allah.”