Arrimaha Gudaha
Waxyaabaha siyaasadda arrimaha dibadda dhutiska badan ugu wacan, waxa qayb ka ah dhacdooyinka dalka gudihiisa ka dhaca ama ka socda.
Waayo, gudaha iyo dibadda waxa lagu tilmaamaa laba is waraabiya, isla markaana wajiga uu leeyahay gudaha waddanku, ayay yeelanaysaa siyaasadda arrimaha dibaddu.
Jagada Wasiirka arrimaha guduhu waa masuulka labaad ee marka laga reebo Madaxweynaha go’aan qaadashadiisa wax ku kala socdaan.
Cali Maxamed Waran-cadde waa Wasiirkii saddexaad ee daakhiliga qabta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Sida la malayn karo Madaxweynaha iyo dad badan oo kaleba, waxay u arkayeen Oday ku haboon jagadaa maaraynta arrimaha gudaha sababo badan dartood. Waayo, labaatan sanno ku dhawaad marna waqti badan banaanka muu joogin, ee wuxuu ka mid ahaa hadba xukuumadda taladda haysa, hase ahaatee, jagada arrimaha gudaha waa markii u horaysay ee uu qabto.
Mushkiladaha dhinaca gudaha Somaliland ka jiraa waqtigan way kala culus yihiin, qaarkood waxay u baahan yihiin in lagu furdaamiyo Siyaasad wax isu soo dhawayn ah oo ninka aad wax wada leedihiin, waxa qanciya inaad wax qaybsataan, laakiin haddii uu leeyahay waxani ma jirayaan, waajibkaagu waa in aad ka ilaalisaa.
Arimaha Waawayn
Kuwaa waxa ka mid ah mushkilada bariga Somaliland, oo immika u muuqata mid ka soo kartay sidii hore.
Waxa kale oo ka mid ah oo bari, Galbeed iyo badhtamahaba ka soo xoogaysanaysa cabasho dulucdeedu tahay, in saami qaybsiga lagu wadaagayo Somaliland dib loogu noqdo.isa soo taraysa oo u muuqata, in sadkeed go’ay, oo aan dib loo sii dhigi karin wax ka qaabashadeeda. ”dalka waxa 80% gacanta ku haya Isaaq. Waa runtood inay Khaatumo yidhaahdaan sidaasi saami kuma lihin. Markaa waxaan leeyahay dagaalku waa waxa ugu dambeeya oo waxa ka haboon in la wada hadlo”, sidaa waxa yidhi Gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga UCID Md Cali Guray. Way badan yihiin dadka fikirkan la qaba ee ku doodaya, in dib loogu noqdo saami qaybsiga. “Intii ay dawladani jirtay Saami qaybsigii beelaha Somaliland, weliba gaar ahaan beelaha darafyada dhaawac fara baddan ayaa soo gaadhay. Odayaal fara badan oo reer Awdal ah oo ku sugan Magaalada Hargeysa ayaa madaxweynaha u dhiibay go’aamo oo muddo todobaadana sugayay, waad og tihiin waxa bariga ka dhacaya, waxaas waxa u sabab ah saami qaybsigii oo lumay iyo dadkii reer Somaliland oo u arkay in xaqoodii la duudsiiyay, oo beesha dhexe (ISAAQA) ayaa wax walba isku taxay. Dadku inaga yeeli maayaan inaynu xilalkii oo dhan wada qaadano oo aynu isku taxno, oo hadana aynu nidhaahno Somaliland ayaan doonaynaa inaad nala noqotaan, Nin raggi wuxuu walaal ku dhaamo waa la waayay”. Sidaa waxa yidhi Murashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen. Hase ahaatee, tabashadu kuma koobna darafyada oo keliya, ee xitaa waxay saamaysaa beelaha dhexe ee loo tirinayo sed bursiinyaha, oo laftoodu kala bursaday.
Qodobadaa iyo qaar kaleba waxay u baahan yihiin siyaasad hareeraha laga wada fadhiyo oo wax wada lahaansho buuxa lagu dhiso. Si Awrka loo dheeli tirana loo dejiyo qorshe lagu soo af jarayo mawduucaa.
Qodobadda Kale
Arrimahaa waawayn ka sokow waxa dhaca,dhacay, dhici doona, dhacdooyin dabeecada nolosha la socda oo hadaan, si wanaagsan loo maarayn sababa mararka qaarkood dhibaatooyin ka waawayn wixii muranku ka bilaabmay. Mushkilado kala duwan iyo murano dhul iyo arrimo kaleba ka dhashay ayaa dhamaantoodba weli gartoodu ku laalan tahay Guddi loo saaray.
Taasna waxa loo arkaa, in go’aan qaadasho la’aani sababtay. Sidaa aawadeedna arrin ay wacnayd in maanta la xaliyo loo riixo maalin aan tiisii ahayn. Taasina waxay tartaa oo keliya, in xaajadu sii murugto oo ay gaadho heer aan waxba laga qaban karin.
Cali Maxamed Warancadde wuxuu daakhiliga hayaa ku dhawaad 8 bilood, muddadaa waxa dalka ka dhacay falal badan oo masuuliyaddiisa hoos imanayay, kuwaasoo qaarkood la xaliyay, qaarna weli laalan yihiin. Waxa ugu dambeeyay oo weli furdaamin sugaysa xurguftii Balliga Diiriye Guuleed ee duleedka woqooyi ee Burco. Xalinta arrinkaasi wuxuu ka fursan waayay oo uu soo gaadhay xafiiska Madaxweynaha, qaar kale oo noocaas oo kale ah ama ka hooseeyaana waxay soo gaadhaan xafiiskaa. Marka xaajo kasta oo gobol ama degmo ama xafiiska daakhiliga lagu xalin lahaaba magansado xafiiska talada dalka u sareeya, waxa loo arkaa in aan xafiiska amuuraha gudaha go’aan qaadasho oolin. Dadka qaarna waxay rumaysan yihiin in maamulka xafiiskiisa lala wadaago oo aanuu u madax banaanayn. Cabashadaa oo horeba uga soo yeedhay wasiirkii hore ee daakhiliga, oo siday shabakadaha internetka qaarkood faafiyeen laga soo xigtay, in wasiirka madaxtooyadu ka maroorsaday masuuliyadiisii, taasna loo fasirtay inay qayb ka ahayd waxyaabihii uu xilka ku waayay. Tuhunka noocaas ah waxa markhaati fur u noqon kara, wefti uu hogaaminayay wasiirka Madaxtooyadda Xirsi oo uu xubin ka ahaa, kaasoo socdaal ku tegay aagga Taleex bilo ka hor. Waxa loo socday arrimo daakhiliya, wasiirkii shaqada lahaana wuxuu ahaa xubin weftiga uun ka mid ah, halkii uu ka hogaamin lahaa. Sidaa si la mid ah waxa loo baxay dibadda, waxa loo safray amuuro dibadeed, weftiga waxa hogaaminayay wasiirka madaxtooyadda, wasiirka khaarajiguna xubin buu ka ahaa.
Wasiirka Arr Gudaha Md Warancadde dadka yaqaanaa waxay ku sifeeyaan, nin aanay dushiisu xumayn, qosol aan sii fogayn iyo weji furaan ku debciya cadhada. Laakiin dadka qaarkood waxay leeyihiin, dabeecaddaa wuxuu caan ku ahaa intii uu Wasaaradaha kale ee fudud joogay, balse haatan kursigaba inta badan ma soo fadhiisto. Waxay ku tilmaamaan in wasaaraddani dibadda u soo saartay, go’aan qaadashadiisa oo aan ahayn sidii la tuhmayay. ” Marraa waaxid” waa halhays uu caan ku yahay, oo uu badiyaa ugu jiibiyo, qof dhegihiisu doonayaan marka uu dhegaysanayo. ” laakiin, kursiga uu ku fadhiyaa uma baahna maraa waaxid iyo hadal afka uun ah ee wuxuu doonayaa, go’aan qaadasho dadka kala saarta, madaxweynahana ka furata in kiis waliba isaga gaadho.
Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Wasiirka Arrimaha guduhu waa laba oday, oo tuhun iyo in wax badani ku laaban yihiin xilalka loogu dhiibay. Sidaa aawadeed, su’aasha meesha taala waxa weeye, labadii la tuhmayay maxay soo kordhiyeen?. Jawaabteeda wuxuu qalinka wargeysku u dhaafayaa akhristaha.
Madaxtooyadda
La soco………………………………………