Somaliland: Xukuumadda Oo Ku Dhawaaqday Furista Ururada Siyaasadda

0
7

Hargeysa (Hubaal) Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay in furista ururada ay tahay arrin sharci ah oo muran aanu ka jirin. Wasiirka warfaafinta xukuumadda Somaliland Saleebaan Cali Koore oo shir jara’aid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay isaga oo ku hadlaya afka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu u caddeynayo bulshada in furista ururada siyaasadda ay tahay arrin dowladdu aqoonsantahay. “Madaxweynuhu isagoo ixtiraamaya sharciga dalka, isagoo ixtiraamaya doonista dadka, isagoo fulinaya sharciga iyo dastuurka dalka waxa uu aqoonsan yahay inay furan yihiin ururada Siyaasaddu..” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Saleebaan Cali Koore waxaa uu sheegay in arrintaan aaney hadda wax dood ahi ka taagneyn haddii ay dhacdana in la isku qabto aaney u oollin xitaa Golaha Wakiillada Somaliland balse ay u taallo oo kaliya maxkamadda dastuuriga ah.

Wasiirka waxaa uu intaa ku daray in dastuurka Soomaliland uu qabo in 10-kii sanaba mar la furo ururada siyaasadda. “Haddaynaan noqon dad ku dhaqma oo isku dhaqa sharciga dalka, waxaynu noqonaynaa Dal fawdo ah oo aan nidaam iyo kala dambayn ka jirin” ayuu yidhi

Shirkan jaraa’id ayaa imanaya xili ay Golaha Wakiillada Somaliland ku kala aragti duwanyihiin in la furo ururada siyaasadda ee Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here