SONSAF & MIDOWGA YURUB: Maxaa Mashaariicda KHILAFAADKA Ku Lamaaniyey?

0
28

Qalinkii: Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleeye)

Waxaan daawaday siminaar SONSAF khamiistii 14 April, 2022 u qabatay Cuqaal iyo Culimaa’udiin, kana qeybgaleen xubno ka socday saddexda Xisbi Qaran, oo lagaga hadlayey mowduuc isweydiin badan u baahan “Diiwaangelinta COD-BIXIYAHA & Doorka Madax-dhaqameedka ee xalinta KHILAAFAADKA

Agaasimaha SONSAF Mr Anwar ayaa hadalkii uu jeedinayey cuqaasha, culimada iyo xisbiyada ku sheegay in ujeedada kulanku yahay sidii loogu diyaargaroobi lahaa diiwaangelinta cod-bixiyaha, oo uu sheegay in bisha 04 May, 2022 ay bilaabmi doonto, waxaanu u sheegay cuqaasha iyo culimada in looga baahan yahay “Inaad xal u raadisaan oo xalisaan MARARKA ay dhacdo in KHILAAFAAD ka yimaado hawlaha diiwaangelinta COD-BIXIYAHA?

Waxaan isweydiiyey goorma ayaa hanaankii dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka JSL oo soo maray ilaa sideed cod-bixineed iyo dhowr diiwaangelineed ay ka dhaceen KHILAAFAAD, maanta ajbura in laga sii diyaargaroobo ama bulshada lagu wacyigeliyo inay ka digtoonaadaan? Mise waa qorshe ujeedo kale leh, oo loogu gogol-xaadhayo dhaleecayn berri (Ilaahay SW inaguma keenee) la doonayo in lagu dhaliilo ama god-daloolooyin loogu sameeyo diiwaangelinta iyo doorashooyinka qorsheysan, oo horeba nabadgelyo Ilaahay mahadii, inoogu qabsoomi jiray.

Arrinka kale aaan kula yaabay siminaarka SONSAF qabatay ayaa ahayd, hadalkan oo uu markale Anwar, agaasimaha SONSAF u sheegay ka soo qeybgaleyaashii, taasoo aad moodo, inay bayaaminayso hadafka mashruucan XALINTA KHILAAFAADKA DIIWAANGELINTA COD-BIXIYAHA hay’adda SONSAF ka soo qaadatay MIDOWGA YURUB laga leeyahay?, maadama hadalkan hoose u muuqan  wacyigelin balse fariin kale dirayo ah loo qaadan karo ‘waa in beelaha Somaliland ku dagaalamaan kala boobka diiwaangelinta, maadama lagu xidhay saami-qeybsiga talada dalka? Bal u fiirso akhriste hadalkan;

“Diiwaangelinta cod-bixiyahu waa miqyaaska ama SAAMI-QEYSIGA talada dalka, marka laga hadlayo xildhibaanada goleyaasha deegaanka iyo wakiiladda” oo Agaasimaha SONSAF sheegay, isagoo raaciyey,

“Reer walba, beelwalba ama deegaan walba intuu diiwaangelin sameeyo, ama cod-bixiye leeyahay ayaa lagu jaangoyn doonaa tirada xildhibaanada qaranka uga soo bixi doonta?

Waxa isweydiin leh, waxqabadka xukuumada Somaliland ma SONSAF ayaa jaangoyska halka lagu salleynayo? Ilayn waa kuwa bulshadii geliyey fikirkan  hadaan degdeg loo sixin, cawaaqib xun keeni kara?

Ta labaad, imisaa ayaa bulshada Somaliland Somaliland intay is-diiwaangeliyaan, haddana aan maalinta cod-bixinta ka qeybgelin? Sababo kala duwan dartood? Markaa reerkii boqol kun oo qof u diinwaangashanaayeen, balse aanay coddeyn, berri ma aqbalayaa xildhibaan kuuma soo bixin, ilayn waa tii SONSAF ku wacyigelisay inay inta reerwalba diiwaangashado uu helayee xildhibaanadeeda.

Somaalidu waxay tidhaahdaa, “Nin hulaab xun, inuu wax qarsanayaa, la moodaa” SONSAF haddaanay ujeedo kale lahayn, maxaa keenay inay arrin ugub ku ah maqalka ummada Somaliland iyo hanaanka doorashooyinka dalkeena oo ah ka hortaga KHILAAFAAD, ay marwalba ka soo qaadato MIDOWGA YURUB?

Waxaan kaga baxayaa, imika oo keliya maaha, in ururka SONSAF oo u muuqda, ama u tasafufaya nidaam maamul labaad oo dalka JSL ka jira, inuu doorashooyinkeena ku soo qaato mashaariic ka hortaga KHILAAFAADKA, sidii doorashooyinkii ugu dambeeyey ay u diyaariyeen Goobgoogeyaal maxalli ah oo hore shaqadoodu ahaan jirtay inay korjoogteeyaan hanaanka doorashu u dhacdo, balse doorashii Deegaanka iyo Wakiiladda ee u dambeeyey oo loo bedelay Goobjoogeyaasha maxaliga ee ka hortaga khilaafaaka? Bal ADBA!

Waxa looga fadhiyaa hay’adaha ay khuseyso ee Komiishanka Doorshooyinka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Wasaaradda Qorsheynta inay hoos u eegaan mashruucan xalinta KHILAAFAADKA ee MIDOWGA YURUB & SONSAF horboodayaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here