SONYO Oo Dooratay Gudoomiye Cusub

0
17

Cabdicasiis Maxamed Jaamac Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Dalladaasi  Hogaamin Doona Saddexda Sanno Ee Soo Socda

Hargeysa (Hubaal)- Waxa maanta si rasmiya loo soo gabagabeeyay Shirweynahii Sagaalaad Ee Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo Jimcihii shalay si habsami leh uga furmay Huteel Ambassador ee Caasimadda Hargeysa, kaasi oo lagu doortay Hogaanka cusub ee dalladdaasi hogaamin doona saddexda sano ee soo socda.

Cabdicasiis Maxamed Jaamac ayaa loo doortay guddoomiyaha dalladda Sonyo ee hoggaamin doona saddexda sanno ee soo socda

Markii lagu dhawaaqay doorashada hoggaanka cusub, kadib waxa hadal mahadnaq ahhalkaasi ka jeediyey Agaasimaha dalladda Sonyo “Waxan boggaadinayaa golihii hore ee sare ee xilka wareejinaya muddo bil kadib iyo hoggaankoodii sare, Cabdicasiis Siciid Saalax iyo team-kiisii hoggaaminta fiicnaa Waad ku mahadsan. Hoggaanka cusub ee la doortay ee uu hoggaaminayo Cabdicasiis Maxamed Jaamac, waxaan u rajeynayaa guul.”

Guddoomiyaha xilka wareejinaya Cabdicasiis Siciid Saalax, ayaa m,adashaasi ka hadlay, waxa uu sharraxaad ka bixiyey sababta xilka guddoomiyaha dalladaasi loogu tartami waayay. “Sonyo mid way ka gudubtay, cunfigii iyo nacii iyo cadyahow ku cunay ama ku ciiday ayaynu ka gudubnay, laakiin hababkii kale ee kaambayn iyo hadday tahay shirar, gudoomiye kasta waa uu maray iyo culays katsa oo taasi leedahay runtii waanu qaadnay, laakiin ragga waxaanu dheerayn, Fajidii iyo bamamkii ayaanu Qarxiyeyaashii ka saarnay.” Ayuu yidhi

Waxa uu dawladda ugu baaqay in taageero buuxda dhankeeda la garab istaagto dhallinyarada. “Dawladda waxaan leeyahay haddii dhallinyarada la maalgalin waayo oo mudnaanta la siin waayo, nabada ayay caqabad u noqon doonaan.” Ayuu yidhi guddoomiyaha xilka kasii degaya ee dallada Sonyo, Cabdicasiis Siciid Saalax

Guddoomiyaha cusub ee Dalladda SONYO hoggaamin doona saddexda sanno ee socda, Cabdicasiis Maxamed Jaamac ayaa hadal mahadnaqa goobtaasi ka jeediyey, “Waxaan u mahadnaqayaa Guddoomiye Cabdicasiis iyyo golaha sare ee dalladda ee ka soo shaqeeyay, waqtiga badan soo huray, dalladda runtiui ku dedaalay inay marxaladaa kor uga soo qaadaan.

Guddoomiyaha cusub waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay laba xubnood oo uu sheegay inay uga tanaasuleen tartanka xilkaasi. “Waxan aad ugu mahadnaqayaa laba murashax oo runtii aanu saaxiibbo nahay oo xilkan uga tanaasulay saaxiibtinimadayada oo keliya oo aanay dan kale ku jirin.”

Gabogabadii, Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Boos Mire, ayaa farriin dhambaal hambalyo ah oo ka sido madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland iyo ku-xigeenkiisa la wadaagay dhallinyaradii shirweynahaasi kasoo qaybgashay. “Waxan dhambaal hambalyo ah idiinka sidaa madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka iyo Dhammaan dawladda, waxaan idin leeyahay guulaystay, waxan leeyahay Sonya ha guulaysato.”

Dalladda SONYO oo dhidibada loo taagay sannadkii 2003 waxa ay kulmisaa in ka badan 56 Urur dhallinyaro iyo qaar ka mid ah ururrada ardayda jaamacadaha dalka qaarkood waxaanay u taagan tahay isku xidhka iyo horumarinta dhallinyarada Somaliland. 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here