SONYO Oo Ka Hadashay Mawqifkeeda Ku Wajahan Heshiiska DP World Ay Wakiilladu Ansixiyeen

0
51

sonyo-logoHargeysa (Hubaal) Dallada Dhaliyarada Somaliland Oo war-saxaafadeed ka soo saartay mawqifkeeda ku aaddan heshiiska maal-galinta dakeda berbera waxaanu war-saxaafadeedkoodu u dhigna sidan:   WAR-SAXAAFADEED Sideedaba Maal-gashiga Waddanka iyo Ka Faa’iidaysiga Kheyraadka Dalkeenu waa hanaanka ugu weyn uguna wax-tarsan ee lagu kobcin karo dhaqaalaha dalka isla markaana lagu abuuri karo Shaqo-abuur hor leh oo suurto-galin kara in la jiheeyo da’yarteena lana hawlgaliyo awooda dihin ee dhallinyaradda JSL. Sidaa daraadeed, Dallada SONYO waxay taageeraysaa hal-abuur kasta oo lagu suurtogalinayo Maalgashi iyo Horumarin–dhaqaale oo dalkeenu helo. Ka dib 25-sanno oo dalkeenu aannu helin maalgashi dibadeed oo waxtar leh iyo aqoonsi caalami ah, waxaa xusid mudan heshiiska Maalgalinta Dekada Berbera oo maalmahanba la hadal hayay kaasoo Xukuumaddu hordhigtey Baarlamaanka Somaliland isla markaana Baarlamaanku maanta [shalay] ka gutay waajibaadkiisii dastuuriga ahaa. Haddaba Dallada SONYO waxay carrabka ku adkaynaysaa faa’iidada shaqo-abuuriseed ee uu yeelan karo mashruucani iyadoo dhiirigalinaysa ka midho-dhalinta fursadaha shaqo ee uu mashruucani yeelanayo. Sidoo kale Dallada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO waxay soo dhawaynaysaa hannaan kasta oo mashruucan iyo kuwa la midka ahi ay dhallinyarada ugu abuuri karaan shaqooyin wax la tara dhibaatooyinka dhaqan dhaqaale ee la deriska da’yarteena reer Somaliland.

Allaa Mahad Leh

Siyaad Cumar Cali

Guddoomiyaha Dalladda SONYO

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here