Soo Shaac-bixiddaydii! – W/Q. Maxamed-Khusuusi

0
22

khusuusiIntii aan iska shaqaysanayay ayaa raggii aannu isku faca ahayn oo dhami dhaafeen. Faysal oo aanan ku ogayn siyaasadda nin xiiseeya, xagaagii dhowaa carruurta markuu waddankii u dhoofiyay, ma soo laaban oo tolkii ayaa xildhibaan ka dhigay, boos adeerkii ka dhintay ayaa lagu beddelay. Laakiin in rag i wada dhaafay waxaan ku sii xaqiiqsaday markii aan Tiifiigaka daawaday Jaamac Garas oo aannu isku shidi jirnay, isaga oo ka hadlaya doorashada 2016 qabsoomi doonta. Waliba kaaga darane waxa uu sheegtay in uu urur doorashada ka qayb galaya guddoomiye ku xigeen u yahay.

Jaamac isku magaalo ayaan ku soo kornay, dugsigii sare ee Dixjanno markii aannu bilownay ayaa waddanku burburay, midkaayona waxbarasho danbe ma gelin, oo xamaal ayaannu labadayaduba ka bilownay markaannu qurbaha nimi. Dadka ani ayuu iigu neceb yahay haddeer, waayo waxaan caqabad ku ahay faanka iyo beenta uu meel kasta la taagan yahay. Shahaadooyin waxbarasho oo been ah ayuu sheegtaa. Xataa naanaysta Garas markii uu yaraa wuu ka xanaaqi jiray oo waa loo qarin jiray, se haddeer isagaa dadka u sheegta, si uu malaha magac dheer u yeesho.

Markii aan qurbaha imi wax kale kuma tahanbaabine tacab iyo wax urursi ayaan ka bilaabay, noloshayduna waxay ahayd mid aan is bedbeddel lahayn. Labo xeroole ayaan ahaa ka dhaxeeya shaqada iyo guriga. Iskuma taxallujin dhex galka bulshada soomaalida, waayo qabyaaladda iyo qabiil ka sheekaynta ma xiisayn jirin. Qaadhaanka tolka se oo isagu khasab ah marka la isoo weyddiiyo hadal ma gelin jirin. In aan ahay nin dantiisa ka adag, qabyaaladda iyo is qabqabsiga jaaliyadda Soomaalida ee magaalada aan deggenahay ka jira ka madax bannaan waa la igu ammaani jiray, balse waxaan ogaaday in dib u dhacayga ay kow ka tahay ka maqnaanta goobaha fadhi-ku-dirirka iyo jaaliyadaha Soomaalida.

Habeen aniga oo ku fekeraya xal u helidda dib u dhacayga iyo sidii aan raggaas i dhaafay dhaanka uga dabo rari lahaa, ayaa aniga oo maahsan oo rimootka Tiifiiga marba dhinac ugu rogaya waxaan ku soo dhacay dood ka socota warbaahinta la iska arko ee Soomaalida mid ka mid ah. Waxaa dood kululi dhex maraysay mid miskiin ah oo aannu isku reer nahay iyo nin kale. Xifaaltanka qabiilku ama -qabyaaladdaba dheh oo – habeenkaas ayay qalbigayga gashay, waayo si anshax xumo ah ayuu ninkaasi qabiilkayaga u caayay, dagaallo rag aan garanayo ku dhinteenna wuu soo hadal qaaday. Kan miskiinka ah ee na metalayay nin wax ka iska dhicinaya uma ekayn, kolkaas ayaa aniga oo aan is ogayn oo cadho jiq ah taleefanka ka wacay wariyihii daadihinayay barnaamijka “War maxaad nin wax iska dhicin kara noogu keeni wayday meesha” ayaan hadal ugu horraysiiyay.

“Haddaad wax iska dhicinayso meesha imow oo doodda ka soo qayb gal” ayuu si xooxis ah iigu jawaabay wariyihii.

“Waa tahay. Barnaamijka danbe ninkaas doodda iskugu kaaya keen, waliba 400 ee Doollar ee barnaamijku ku kacayo aniga ayaa bixinaya” ayaan ku idhi.

“Mayee iminka 500 doollar ayaannuba ka dhignay”

“Waar waxay tahayba anigaa bixinaya ee ninkaas isku kaaya keen” ayaan ku soo gebogebeeyay hadalkii, oo ku damiyay.

Foodda ayaanu is darnay ninkii. Wixii se la ogaa ayaa ka dhacay. Meel ayaan saaray ninkii habeenkii is waalwaalayay. Subaxii danbe markii aan magaalada u soo baxay tol badan ayaa i gacan qaaday, taleefankayguna dhicidda ma joojinayn.

Dhowr barnaamij oo dood ah sidii oo kale wacdaro ayaan ka dhigay. Halkaas ayay ka bilaabantay caanbaxaygu. Jaaliyadda beeshayda ayaa guddoomiye isla ayaamihiiba la iigu doortay. Xafiiska jaaliyadda oo qarka u saarnaa inuu xidhmo, markaan guddoomiye noqday sidii dab dhagax lagu dhuftay ayaa dhinbiilo ka kaceen. Raggii iga horreeyay tolka lacagta say uga gurayeen, ee haddana waxba u qabanayn ayaa indhahoodu iska badbateen oo laga ilbaxay. Laakiin aniga wejigayga ayaa cusub, oo lacagta rutub rutub ayaa loo keenaa. Dumar iyo dhalinyaro jibbaysan ayaa lacagta xaafadaha ka soo gura, oo jeebkayga ku soo rida. Cidi ilama xisaabtanto, ana xisaab xidh ma sameeyo.

Ugaaska beeshayada hadh iyo habeen taleefanka ayaannu ku wada hadalnaa haddeer. Mid dubuur ah oo wasiir reerka u ah ayuu rabaa inuu igu beddelo Ugaasku. Laakiin anigu ma rabo wasiir iyo waxaas ee xisbi mucaarad ah ayaan furayaa; inay ila riixaan ayaan ka rabaa bes. Shacab badanna qurbaha waan ku haystaa oo magaaladan inta ii jibbaysan ayaaba iga badan.

Maxamed Khusuusi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here