SOOL: Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Leh Oo Ka Dhashay Dirir Beellaysan Oo Shalay Ka Dhacday Deegaanka YAYLE

0
42

Hargeysa (Hubaal) Warar hada naga soo gaadhay magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool   ayaa sheegay in  shalay  dagaal ku dhex maray deegaanka yayle oo kamida gobolka sool laba beelood oo walaalo ah oo  wada daga deegaankaas. Waxaana dagaalkani uu gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh waxaana  ku naf waayay inta la ogyahay laba qof halka qof kalena uu dhaawac yahay. yayleMaamulka gobolka saraar iyo ka sool iyo ciidamo tiro badan ayaa la sheegay inay deegaankasi gaadheen si ay u  kala dhex galaan labadaa belood ee dirirtu ka dhex qaraxday. Ilaa hada ma jirto warar rasmi ah oo kasoo baxay dagaalkan dhex maray labada belood eek u dhex maray deegaanka Yayle ee gobolka sool. Maamullada labada gobo lee Sool iyo Saraar ayaa dedaal u galay in aanay mar kale soo noqon dirir kale, iyaga oo ku foogan sidii   u damin lahaayeen colaada halkaas ka dhex aloosantay.  Dhawaan ayay ahayd markii laba beellood oo wada dega deegaanka dherkeyn geeyo ee gobolka Sool ay dirir dhiig badan daadisay dhexmartay iyada oo ay halkaas ku dhinteen dad ka badan labaatan qof oo labada dhinac ahaa, waxaana xukuumadda iyo qaybaha bulshada Somaliland ay baaqyo nabadeed oo kala duwan u direen halkaas iyada oo sidoo kale weftiyo heer dhaqan iyo kuwa dawladeed isugu jira ay ergo ahaan ugu gurmadeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here