Soomaali, Abley Ku Weeraray Safaaradda Ameerikaanku Ku Leeyahay Nairobi Oo Boolisku Toogasho Ku Diley

0
28

nin-meyd-ah

Nairobi(Hubaal)-Nin ku hubeysan Mindi ayaa toogasho lagu diley magaalada Nairobi kadib markii uu weeraray askari ilaalo ka ahaa safaarada Maraykanka ee magaalada Nairobi.

War ka soo baxay safaarada Maraykanka ee magaalada Nairobi ayaa lagu xaqiijiyey dhacdadan; “Safaarada Maraykanka waxa ay xaqiijinaysaa in toogasho ka dhacday meel ku dhow safaarada Maraykanka ee Nairobi, hase yeeshee ma jiro waxyeelo ka soo gaadhay shaqaalaha safaarada, wixii faahfaahin ah waxaa lagala xidhiidhiyaaa dowlada Kenya,”ayaa lagu yidhi warkan laga soo saaray safaarada Maraykanka ee Kenya.

Askariga lagu weeraray midida ayaa la dhigay cisbitaal ku yaal Nairobi halka meydka qofkii weeraray oo la sheegay in asalkiisu yahay Soomali la geliyay qaboojiyaha cisbitaalka.

Qofka ku hubeysnaa midida ayaa la sheegay in uu doonayay in uu xoog ku galo safaarada Maraykanka ee magaalada Nairobi waxaana albaabka hore ee safaarada ishortaag ku sameeyay askarigii dhaawacu soo gaadhay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here