Soomaalida Immisa Qof Baa Kaga Jiray Xujaajtii Ku Dhimatay Saxmadii Dhagax-tuurka Shaydaanka

0
45

Boqorka Sacuudiga Oo Amar Ka Soo Saaray Mashaqada Dhacday Iyo Dalalka Ay Kasoo Jeedaan Xujaajta Dhimatay

Makatul-mukarrama (Hubaal)- Dowladda Sacuudiga ayaa iska fogeysay eedeymaha loogu soo jeediyay ee mas’uuliyada musiibadii ka dhacday Xajka, kadib markii in ka badan todobo boqol oo ruux ku dhinteen isbuurasho ama cidhiidhi dhacay maalintii Ciida. War ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in shilkan uu ku dhacay Xujeyda oo aan tilmaamihii la siiyay raacin, markii dad ka soo noqonayay sheydaan tuurka iyo kuwo usoo socday ay hal waddo wada isticmaaleen, taasna ay sabab u aheyd isbuurashada. Dowladda Iiraan oo ah tirada ugu badan dadkii ku dhintay isbuurashada ayaa ugu baaqday dowladda Sacuudiga inay qaadato mas’uuliyadda shilkaas. Hogaamiyaha Ruuxiga ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay mas’uul ka yihiin isbuurashada, wuxuuna xusay in tani ay ku dhacday maamul xumada Sacuudiga. Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa amray in dib u eegis lagu sameeyo qorshaha xajka, waxaana uu ku baaqay in baadhitaan deg deg ah lagu sameeyo shilkan.  Mid ka mid ah shirkadaha safarka Xajka oo fadhigeedu yahay Britain, ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Sacuudigu xidheen laba waddo ay dadku isticmaalayeen. Ilaa 717 ruux ayaa ilaa iyo hada la xaqiijiyay inay ku dhinteen isbuurashada ka dhacday Xajka, halka 863 kalena ku dhaawacmeen, dalalka illaa iyo hada la shaaciyay inay muwaadiniintooda ku dhinteen waxaa ka mid ah, Pakistan, Masar, Niger, Chad, India, Indonesia iyo Turkiga, waxaana wali socota tira-koobka guud oo lagu ogaanayo dalalka ay u dhasheen muwaadiniinta kale ee aan la aqoonsan.Dhinaca kale Axmed Aadan Digaal (Ahmed Safiina) oo arrimaha Xajka u qaabilsan Somaliland oo ku sugan xajka ayaa VOA u sheegay in la xaqiijiyey in toddobo Soomaali ah oo afar ka mid ah Kenya ka yimaadeen ay ku dhinteen halkan saddexda kalana ka yimaadeen Soomaaliya, balse sheegay in tirada dhimashada ee xujeyda ku dhimatay  cidhiidhigii  ciiddii dhacay ee Soomaalida ahi ay ka badan karto inta hadda la ogyahay.
mecca6_3451439bAxmed Safiina ayaa sheegay in weli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu oggaado tirada rasmi ah ee xujeyda ku geeriyooday shilkii shalay xajka ka dhacay. Wararka hordhaca ah ee ka soo baxaya dadka   ku dhintay Mina ayaa sheegaya in dad badan dhalashadoodu ka soo jeedo waddamada Indonesia, Niger, Chad, India, Pakistan iyo Iran iyo waliba qaar ka tagay waddamada bariga Africa (Dhulka Soomaalida iyo Kenya).

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here