Soomaalida Kiiniya Oo Ku Sumoobay Neef Bakhtiyey Oo Ay Hilibkiisa Quuteen Iyo Kontomeeyo Ruux Oo Cusbitaalka Loo Dhigay

0
38

Hargeysa:(Hubaal)-Ilaa 51 qof oo ku dhaqan Degaanka Isiolo ee Dalka Kenya, ayaa lagu soo waramayaa in la dhigay Isbitaalka kadib markii ay cuneen hilibka neef geel ah oo bakhtiyay.  Madaxa caafimaadka ee isbitaalka guud ee Isiolo Mohammud Guyo ayaa xaqiijiyay dhacdadan, waxaana uu sheegay in dadka waxyeellada soo gaadhay ay u badanyihiin caruur iyo Haween.  51 kenyan hospitalizedDadka hilibkaasi cunay ayaa daqiiqado kadib waxaa soo ritay xanuuno isku jira madax xanuun, calool xanuun iyadoo qaarkoodna ay shuban iyo matag ka qaadeen.  Qaar ka mid ah deegaanada Isiolo ayaa la sheegayaa in ay ka jirto baahi daran, taasoo dadka ku kaliftay in ay cunaan raashin aan habooneyn.  Guddoomiyaha Degmada dhibaatadani ka dhacay Godana Doyo, ayaa sheegay in haatan uu socdo qorshe raashin ku filan lagu gaadhsiinayo deegaanada ay saameynta ku yeelatay gaajadu.  Dalka Kenya deegaanno ku yaalla, ayaa waxa ka jirta Gaajo daran, waxana dadka qaarkii oo aan Haysanin Diinta Islaamku gaajadaas ka quuteen Hilibka neefkaas Bakhtiga ah, kaas oo keenay in markii dambe Cisbitaalku Hoy u noqdo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here