Hilaaddii 1991, oo ahayd xilligii dalka dib loogu soo noqday, la iskana rogay heeryadii kaligii talliyihii Maxamed Siyaad Barre, waxa la yagleellay qaran magaciisii hore dib loogu soo celiyey oo Soomaalilaan ku suntan.
Hilaaddaa kor ku xusan illaa maanta, dalka waxa uu soo maray maraaxil aad u kala gadisan iyada oo afar hoggaamiye isaga dambeeyeen tallada dalka.
ku noqon mayno duruufii qalafsanaa ee dagaallada sokeeye lahaa ee ummaddani soo martay, se waxa aynnu si gaar ah u dul-joogsan doonaa mashaakilka qarankan la jaalka noqday, una baahan in aan la daawan, bal se la daweeyo.
Dalkani waa 25 jirsaday, 25 jirsashadu na waqti yar maaha, waa muddo dheer oo is beddal dad iyo dal ba si weyn loo samayn karayey. Qarnigii 20naad, waxa lagu magacaabaa Qarnigii dib u habaynta “A century of reforms” dunida galbeedka, khaasatan kuwa Scandinavian-ka la isku yidhaa waa xilligii sida fiican u dhismeen. Muddo aad u kooban ayey deeq bixiye ku noqdeen, halkii marka hore dagaallo sokeeye iyo horumar la’aani ka jirtay. Waxa ay ahaayeen ummad garowsan halka ay u socdaan iyo badhaadhahoogu halka ay ku jiraan.
Si horumar u sameeyaan, waxa ay dhigteen sharci, sharcigaas oo ay ku socdeen, iyaga oo si isku mid ah ugu hoggaansamay oo qofna ka sarayn sharciga. Kala dambaynta marka la helay, ayaa barnaamijyo horumarineed oo ay u simanyihiin ku tallaabasadeen. Duwalka galbeedka, waxa awoodda lihi waa shuruucda ay dhigteen, taa oo u noqotay halbeeg ay ku kala socdaan wax na ku kala qaataan.
Singapore, muddo 10 sanno ka yar ayey is beddal ku samaysay, iyada oo kaga soo baxday dunida saddexaad, waxa muddadaa yar si fiican dib u habayn ugu sameeyeen ganacsiga, maaliyadda, gaadiidka, iyo waxbarashada.
Duwalka hore u maray, ma ay horumarin illaa dad u fikira oo hoggaanka qabta ay heleen. Qorshe horumarineed oo dunida guudkeeda ku tagayaan ayey samaysteen, waxa ay meel iska dhigeen wax kasta oo dib u riixi kara, kana mid yihiin, eex, qabyaalad, dagaal, cunfi, lunsasho hant qaran, waqti lumin iyo fadhi-ku-dirirnimo.
Soomaalilaand, muddadaa ay jirtay waxa ugu weyn ee ay samaysatay waa nabad, se nabadda cago adag ma aha mid ku qotonta. Shirkii 1997 ee beelaha Soomaalilaand ku abtirsada ku qabsadeen Hargeysa, ayaa qudbad uu ka jeediyey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ku sheegay in nabadda la haystaa uu kala daadin karo wiil yar oo sita qoriga AK47.
Ma aha oo kaliya horumar la’aan jirta in nabaddu u burburi karto, laakiin se waxa lumsan qiyamkii umaddani wax ku wada ilaashan lahayd. Wiilkaa Ak47 sita, marka uu qof dilo, waxa uu dabada galinayaa ugu horrayn mid wasiir ah oo dowladda ku jira, waxa uu sida oo kale gacanta uu soo qabsanayaa caaqilkiisii ama suldaan kiisii, dambiilihii markii ba waxa uu noqonayaa reer.
Sharci uu ka baqanayo ma jiro, hore na umuu arag sharci ay umaddiisu ku kala dambayso oo lagu kala hoggaansanyahay, waxa uu u jeedaa kuwa u talliya ee magaciisa huwan in sida ay doonaan wax u maamulaan, iyaga oo sharciga jeebkooga ku sita, wax ay isaga tirinayaan ama tixgalin ah oo uu ugu muuqdaa jirin. Sharciga uu arkayaa ma aha mid isaga u dammaanad qaadaya nolashiisa, ma aha mid u dammaanad qaadaya xorriyaddiisa, ma aha mid isaga iyo ka u tallinaya u siman, jidka halka laga mamnuucay isaga ayaa uu marayaa ka u tallinayaa, taa ayaa keensanaysa in uu dabada galiyo cid la kaga baqo. Ma aha in dalku distoor lahayn, waa leeyahay wallow uu qabyo yahay, haseyeeshee ma aha mid si sax ah loo dhaqan galiyey.
Wasiir xilka laga qaaday ayaa hadal uu jeediyey ku sheegay,…. La soco
W/Q.Xuseen-Mahdi Xasan Xuseen