Aqoonyahan Xuseen Cabdillaahi Bulxan Oo Inshaaray Caqabado La Dhaadan yahay Oo Ictiraafka Somaliland horyaalla
Hargeysa (Hubaal) Professor Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo kamid ah aqoonyahannada reer Somaliland ayaa ka hadlay caqabadaha hor yaalla in qarankani aqoonsi buuxa ka helo beesha caalamka, isaga oo taas bedelkeedana muwaadiniinta reer Somaliland ku canaantay inaanay wax iska weydiinin shuruudaha looga baahan yahay shacbi ahaan si ay uga dhabeeyaan himillada qarankani higsanayo oo aqoonsigu ugu horreeyo.
Aqoonyahan Bulxan ayaa mushkiladda ugu weyn ee reer Somaliland ka haysta ictiraaf la’aanta ku tilmaamay inay tahay iyagoo u haysta in ay reer Somaliya aqoonsiga u hayaan. Professor-ka oo ka qayb qaatay barnaamij laga baahiyey telefishinka Universal waxaa uu yidhi “labaatan sanno iyo dheeraad waxaynu doonayney eenu keeni weyney, fikradii hore kusoco ma shaqaynayso, waa inaad dib isku eegta oo tidhaahda maxaa qaldan, halkeebey waxani ka imaadeen, anigu sidaan qabo mushkiladda ictiraaf la’aantani waxay ka timi mushkilad innaga iyo dadka soomaaliya layna dhexdhigay, horta marka u horaysa maaha inay soomaaliya ina haysato,soomaaliya inama haysan karto, maba laha tamar ay innagu haysto, waa mushkilad layna dhexdhigay, su’aashu waxa weeyi yaa ina dhex dhigay?, xagay ka tami, taas laysma weydiin.”ayuu yidhi
Bulxan waxa uu sheegay inaanay soomaaliya ictiraafka ku helin mid sharci ah isla markaana aanney dhaqale iyo aqoon mid toona ku helin, waxaanu sheegay in maamulkooda la dhoobdhoobay oo dad shisheeye ka dambeeyaan yagleellidda maamulkooda, Somaliland ahaanna loo diidan yahay ictiraaf waxaanu yidhi: “ictiraafka ay haystaan [soomaaliya] miday sharci ku heleen maaha, miday awood ku heleen maaha, miday ku heleen dhaqaale iyo aqoon ina dhaafsan maaha taas oo xaqiiq ah, innagoo dhisan beynu ictiraafka beynu weynay, iyagoo dhisnayn ba ictiraafkii la siiyey, dad baa siiyey oo hadiyad u siiyey, state-kaa ay sheeganayaan, waa state la dhoobdhoobay oo la siiyey oon wali jirinba, teeni intaas jirtayna ictiraafkii baa loo diiday, su’aal ismaynaan weydiinin yaa innaga hor jooga?, dadka soomaaliya iyo Somaliland waxa weeyi mushkilad la dhex dhigay, yaynaan qabsan iyaga, maxaad ku qabsan iyaga, iyagu kumaba haystaan’e, nin wasiir laga dhigay ama dawlad la dhoobdhoobay ama la sameeyey ayaa wax ii diiday inaad tidhaah nusqaan baan u arkaa, innagaa ka gaabiney oon fahmin mushkiladihii in dib loogu noqdo dadkii ka mas’uulka ahaa ictiraaf la’aanta mabaynaan raadin mabaynaan fahmin ismanaynu weydiin, markaa mushkiladaha aynaan isweydiin ee xagay ka timi, de xal heli maysid hadaanad fahminba, waxaynu ku fadhiney mar aynu nidaahno dawlad aynu la hadalnaaba ma jirto, haye sugde illaa aakhirka inay dawladdaasi dhisanto, markay dhisanto ee awood yeelatana 25 sanno, soddon sanno, kontan sanno, waxaagii ba wuxuu noqday waxan jirin’oo xisaabtoodii waxba la’aanta ah, markaa annigu waxaan qaba saacadu waa saacad akhira weeyi, wakhtigu waa dhacayaa shan iyo labaatan sanno ictiraafka weyday. “Horta mid kalena aynu xaqiiqsano oo dadkeenu waa dadaaleen, waxbeynu dhisanay intaas o sanno ayeynu wax soo wedney, kartideena iyo hawsheena waxaynu qabsanay intaasi muujinaysaa ictiraaf adigoon haysan inaad intaas oo dhan dhisatay, markaa waxaan ku soo koobayaa waar waxan dib ha loo noqdo, dib haloogu noqdo oo dib halaysku eego meesha ay wax innaga khaldan yihiin.”