“Somaliland madaxdeedu haddii ay shacabkooda u tudhayaan heshiisyadan gacan-ku-rimiska ah ee musuqmaasuqa ah umaddooda inay u hoosaasiyaan ma aha, waana inay ka daayaan” Nuur Faarax Jimcaale
Muqdisho:(Hubaal)-Xukuumadda taagta daran ee Muqdisho ka dhisan, ayaa hadallo gardarro ah kusoo qaaday Somaliland, waxana ay cambaaraysay nuxurka heshiiskii ay dhawaan goleyaasha Somalilad ansixiyeen ee Imaaraadku magaalada Berbera saldhigga kaga samaysanayey.
Hanti-dhawraha guud ee dawladda Federal-ka Soomaaliya Md. Nuur Faarax Jimcaale oo arrintan ka hadlay, ayaa dhaliilay dawaldda Imaaraadka, waxana uu si milgaha ka baxsan u sheegay inay dawladdaasi gashay heshiis aan sax ahayn.
Hanti-dhawruhu waxa uu ka been abuuray oo meel kaga dhacay gooni isu taagga Somaliland, waxana uu ka hadlay arrimo khuseeya dal kale oo aanu xukumin, isaga oo tilmaamay inuu heshiiskaasi khasaare u keeni doono shacabka reer Berbera,“dhibaatada ugu hoosaysaa waxa ay gaadhi doontaa reer Saaxil, waayo meeshaasi waxa ay noqon doontaa meel militeriga mooyaane wax kale ka caaggan, dadkii ka shaqaysan jirey ee wax ka heli jireyna dhib baa kasoo gaadhaysa, xaalad abuur iyo xasaradna uma baahna mandaqaddu”ayuu yidhi Nuur Faarax Jimcaale.
Nuur Faarax Jimcaale, isaga oo eedo culus u jeedinaya heshiiskaas iyo dawladda Imaaraadka Carabta waxa uu yidhi,“waxanu eedayn u jeedinaynaa dawladda Imaaraadka, waana inay ka waantowdaa kala qaybinta iyo kala qoqobka umadda Soomaaliyeed, waana markii labaad ee imaaraadku heshiis gacan ku-rimis ah huteello ku yaalla Dubai ay dad shakhsiyaad ah oo mar walba qabyo qoraal ah oo aan dadka la tusayn kula saxeexato shakhsiyaad dawladda Federal-ka iyo Somaliland kula gasho.”
Waxa uu canaantay madaxda Somaliland ee heshiiskan gashay iyaga oo waajibkooda gudanaya, waxana uu tilmaamay inaanay bulshadooda u naxaynin,“Somaliland madaxdeedu haddii ay shacabkooda u tudhayaan heshiisyadan gacan-ku-rimiska ah ee musuqmaasuqa ah umaddooda inay u hoosaasiyaan ma aha, waana inay ka daayaan”ayuu yidhi Nuur Faarax Jimcaale.