Muqdisho(Hubaal):- Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay taariikhda ka qayb-galaysa Ciyaaraha Adduunka ee World MiniFootball Cup ,waxaana tartankan oo ka dhacaya dalka Tunisia qayb ka ah Xulal waa weyn oo Kubbadda dunida caan ku ah. Wafdiga Soomaaliya uga qayb-galaya tartanka, ayaa waxaa uu ka kooban-yahay kooxda dalkeena u matalaysa tartanka oo ay wehliyaan gudoomiye ku xigeenka koowaad ee tartankan Legend Abdixaq Ahmed iyo Faarax Ismaaciil oo ah wariye madax banaan oo fadhigiisu uu yahay dalka Denmark ,isla markaana soo tabin doona ciyaarahan. Somalia oo aan wali la soo saarin xulalka ay isku dhici doonaan tartankan ayaa la filayaa in ay guul muuqata ka keento tartankan oo muhiim u ah xulal ka qayb-galaya , isla markaana kamid ah koobabka waa weyn ee loo qabto xulalka Adduunka.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Soomaaliya Oo Markii Ugu Horreysay Taariikhda Ka Qaybgalaysa Ciyaaraha Adduunka Ee World...