Soomaaliya Oo Xayiraaddii Ay Saartay Jaadka Muqdisho Iman Jiray Ku Sababaysay Hinaase Ka Dhan Ah Somaliland

0
52

Akhri: Safar Ay Madaxda Gobolka Uu Ka Baxo Jaadka Kenya Ku Yimaadeen Hargeysa Oo Masayr Ku Abuuray Maamulka Muqdisho

safiirka-somalia-u-fadhiya-nairobi

Muqdisho (Hubaal/ Daily Naition) – Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa  markii ugu Horreysay ka hadashay sababta ay u hakisay Qaadkii ka iman jiray Dalka Kenya, iyadoo Arrintaas sabab uga dhigtay booqashadii uu Guddoomiyaha Gobolka uu Qaadku ka baxo ee Meru, Peter Munya uu dhawaan ku tagay Magaalada Hargeysa. Danjiraha Somalia u fadhiya Kenya, Jamaal Maxamed Xasan oo Wargeyska Daily Naition siiyay wareysi, ayaa sheegay in booqashadii Peter Munya uu Hargeysa ku tahay bishii July ee sannadkan ay sababtay u tahay in dowladda Somalia ay hakiso ganacsigii Qaadka ee uga iman jiray Kenya. “Waxaa jira inay fara-gelin ku sameeyeen jiritaanka soohdimaha Somalia, Waxay fara-gelin ku sameeyaan sidoo kale Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya,” ayuu Danjire Jamaal u sheegay wargeyska. Sidoo kale, Danjiraha oo sii Hadlayay ayaa yidhi. “Tani waxay Abuurtay in Dowladda ederaalka ahi  ay Hakiso Qaadkii uga iman jiray waddanka Kenya, iyadoo cadaadis iyo ganaax uga dhigaysa ganacsatada Qaadka ee Gobolka Meru.” Xukuumadda Federaalka Somalia, ayaa ku dhawaaqday Isniintii lasoo dhaafay inay joojisay Qaadkii ka imaan jiray Kenya, iyadoo Somalia ay tahay suuqa ugu weyn ee Qaadka Kenya loo iib-geeyo. Dhanka kale, Muqdisho oo ah magaalada uu Qaadka ugu badan uga yimaado Dalka Kenya ayaa waxaan iman jaad tan iyo maalintii  uu amarkani dhaqan galay, waxaase suuqyada jaadka Muqdisho qaarkood lagu arkayay Qaad ka yimid Dalka Itoobiya ee loo yaqaanno Hereriga.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here