Qalinkii: Cabdiraxmaan Cadami
Dalka Jabuuti waxa ku nool dhawr qoomiyadood waxa se ugu badan qoomiyadda Soomaalida sidaa daraadeed burburkii Soomaaliya iyo dagaalladii sokeeye ee ka dambeeyay madaxweynaha Jabuuti wuxuu isku xil saaray nabadaynta iyo in dib loo soo nooleeyo Qarannimadii Soomaaliya. 1991 Jabuuti waxay soo qaban qaabisay oo ay marti galisay tiraba laba shir si loo heshiisiiyo kooxihii ku dagaallamayay hanashada awoodda dalka, hase ahaatee laguma guulaysan. Sababaha fashilka keenay waxa ka mid ahaa qabanqaabiyeyaashii iyo ka qayb galeyaashii shirarkaa oo isla qaatay in la ‘ignore-gareeyo sheegashada Somaliland ee ah in ay tahay dal madax bannaan.
Dagaalladii Soomaaliya way sii laxaadsadeen, kooxihii ku loolamayayna way sii bateen, Soomaaliya waxay noqotay meel bahalo galeen ah oo aanay wax maamul ahi ka jirin. Mar kale 2000 waxay Jabuuti gogol u fidisay qabqableyaashii dagaalka iyo beelaha Soomaaliya dega oo dhan, markana sidii caadadu ahayd waxa la iska indho tiray xaqiiqada iyo jiritaanka JSL.
Waxa suuqa laga soo ururiyay dad reer Jabuuti ah oo asal ahaan ka soo jeeda beelaha Somaliland dega iyo shakhsiyaad dibadaha wareega si ay shirka Somaliland ugu metelaan. Shirka Jabuuti waxa kaga baxay dhaqaale badan, waxay u dulqaateen culayska marti galinta iyo ‘Protocol-ka’ tirada dadka intaa leeg. Si kastaba ha ahaatee magaalada Carta waxa lagu soo gabogabeeyay dhismaha dawlad ka kooban Madaxweyne iyo Ra’isal wasaare hase ahaatee waxba kamay bedelin xaaladdii Soomaaliya; marar kale ayaa haddana la isku dayay in wax maamul u eeg loo sameeyo iyagana guul lagama gaadhin.
Fawdadii waxa ka soo dhex baxay urur Diimeed xagjir ah oo lagu magacaabo Maxaakiimta oo dagaal oogayaashii meesha ka saaray, waxa se loo arkay in ay halis ku yihiin amniga iyo degenaanshaha waddamada gobolka sidaa daraadeed waxa lagama maarmaan noqotay in Somalia ciidamo Afrikaan ah loo diro si loo jabiyo Maxaakiimta. Jabuuti oo aan marnaba ka quusan in la arko soomaaliya oo cagaheeda ku taaggan ayaa markiiba ku yaboohday in ay ciidamo u dirto si ay dhiigga askartooda ugu huraan nabadaynta Soomaaliya, Jabuuti waxay ugu horaysay gurmadka dadkii ku tabaaloobay fatahaadihii wabiga Shabeele. Dhinaca diblamaasiyadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle 27 sannadood sida dhallaanka wuxuu gacanta u hayay madaxda Soomaaliya isaga oo kula wareegayay dalalka dunida si uu taageero ugu helo.
Haddaba Jabuuti maxay Soomaaliya ugu samaysay waxaas oo ‘sacrifice’ ah iyada oo la og yahay in aanay dano badani ka dhexeyn labadooda dal? Su’aasha looma heli karo jawaab lagu qanci karo laakiin, wuxuun baa la odhan kara Jabuuti waxay iska jeceshahay Soomaaliya sida Somaliland-ba u jeceshahay Jabuuti.
Haddaba heshiiskii Itoobiya iyo Eritrea kadib labadooda hoggaamiye waxay u gacan haadiyeen madaxweyne Farmaajo iyaga oo ka faa’iidaysanaya xaaladda qasan ee Soomaaliya si ay uga gaadhsiiyaan saxeexa heshiisyo ilaa hadda qarsoodi ah ama si ay qaybtooda uga helaan bililiqada khayraadka Soomaaliya iyo waliba in uu codkiisa ku biiriyo codsiga labada hoggaamiye ay ku dalbanayeen in Eritrea cuno qabataynta hubka laga qaado.
Eritrea waxay Jabuuti ka haysata dhul iyo maxaabiis. Inkasta oo waanwaan la hadal hayo haddana wali si rasmi ah ugumay dhawaaqin in ay ka tanaasushay colaaddii iyo in ay ka noqonayso dhulkii ay ku soo duushay.
Madaxweyne Geelle markii uu Soomaaliya u soo dirayay ‘Mission-ka’ Hiil Walaal, Madaxweyne Isaias Afwerki isaguna Soomaaliya wuxuu u soo dirayay shixnado hub ah si loogula dagaallamo maamulka Farmaajo laakiin, waa iska xaal Adduun in Soomaaliya is garab taagto cadawga Jabuuti iyo in ay qayb ka noqoto shirqoollada lagu takoorayo Jambuuriyadda Jabuuti. Soomaaliya sidii ay Jabuuti ugu listay ugumay Hambeyn.
W/Q: Cabdiraxmaan Cadami
Abdirahmanadami22@gmail.com