Soonka iyo Waddamada Adduunka  W/Q. Mukhtaar Cabdi Sheekh ”Bulshaawi”

0
35

 

Kala-duwanaanshiyaha cimilada adduunka ayaa sababtay in waddamada qaar wakhti yar sooman halka kuwo kalena ay soomayaan wakhti badan oo ku dhaw 24 saacadood. Inta aanan

u gelin waddamada kale ee adduunka aan ka bilaabo magaalada aan ku noolahay. Timrå, waa magaalo yar oo ku taal waqooyiga Iswidhan. Wakhtiga ugu danbeeya ee aad wax cunni kartaa(suxuurta) waa 01:31 halka wakhtiga afurku yahay 22:51 habeenimo. Waxaad haysataa laba saacadood iyo badh inaad afurto, tukato, suxuuratid. Sidaas darteed, shan daqiiqo waxa la tukadaa salaada cishaa sidaas oo ay tahayna soddon daqiiqo oo kale waxaa la tukadaa taraawiixda. Toban daqiiqo waa siisocod iyo soosocodka masaajidka.

ukhrtaarMarkaad xisaabiso hadhaaga oo dhan waxay noqonaysaa inaad awoodid inaad hal mar wax cunto kaas oo ah inaad cunto fudud ku afurtid kadib salaada tukatid markaad salaada ka timaadid aad hal mar cuntadeed u niyootid casho iyo suxuurba.

Maalmihii hore (siiba maalintii koowaad ee soonka) waxay noo ahayd maalin nagu adag, gaar ahaan intayada ku cusbayd magaaladan se maalmihii danbe waxay noqotay mid aan la qabsanay oo aan u adkayn sida maalintii koowaad.

Ramadaantu, sannadkan waxay ku soo beegan tay wakhtiga kulaylaha (xagaaga). Sidaas darteed, waddamo ayuu soonku ku adkaan doona kuwaas oo ah waddamada waqooyi ee adduunka. Golaha Muslimiinta ee Ingiriiska ayaa waxaa uu soo saaray hadalkan ’’ 2014, wakhtiga soonku wuxuu noqon doonaa ku dhawaad 19 saacadood. Shan saacadood oo keliya ayay tahay inaan cunno, cabno, seexano oo tukano salaadaha. Ramadaanta UK waxay noqon doonta mid adag. Sidaas waxaa yidhi Golaha Muslimiinta UK.

Kuma eeka in wakhtiga ay ku soo beegan tay sannadkan uu yahay xagaa oo keliya se waxa jira goobo ama magaalooyin aynna ka dhicinba cadceedu sida, Kiruna, oo ah magaalo waqooyiga waddanka Iswidhan ku taal taas oo ay cadceeddu ka dhacdo 23:00 habeenimo, Muslimiinta halkaas ayaa ku dooday in ay raacan oo la sooman lana afuraan magaalooyinka Stockholm iyo Malmö kuwaas oo cadceedu hore u dhacdo marka la barbar dhigo magaaladan.

Rovaniemi waa magaalo ku taal waddanka Finland, waxaa ku nool wiil Muslim ah oo la yidhaa Shah Jalal Miah Masud kana yimid waddanka Bangladesh. Siddeed iyo labaatan jirkani wuxuu u warreegay Rovaniemi oo 830km (515 mile) waqooyi ka xigta caasimada Helsinki si uu uga dhigto IT isagoo shan sanno ka hor ka yimid Bangladesh. Ma awoodo cunto iyo cabbitaan 21 saacadood wakhti dhan, wuunna qoslay.

Dr Abdul Mannan waa Madaxa bulshada Islaamka ee waqooyiga Finland, wuxuuna yidhi “Haddii ay saacadaha soonku ka badan yihiin Siddeed iyo toban saacadood waxaad la soomi kartaa wakhtiga Mekka ama Medina ama waddanka Muslim ah ee kugu dhaw taas oo ah Turkiga oo isaguna soomaaya 17.13 (Toddoba iyo toban saacadood iyo saddex iyo toban daqiiqo).

Waxaa jirta arragti kale oo ka timid muftiyada Sucuudiga taas oo leh ’’ Si walba oo wakhtiga maalintu u dheeraado ama u gaabnaado waa in lala sooma wakhtiga goobta qofku ku sugan yahay (Local Time).

Nafisa Yeasmin, waa gabadh cilmi baadhe ka ah jaammacada Lapland. Lix sanno ka hor ayay ka timid Dhaka oo ah caasimadda waddanka Bangladesh waxaynna tidhi ’’ Aad bay u adkayd inaan raaco (ku soomo halkan) maxaa yeelay annaku (Bangladesh) waxaannu soona 12 saacadood halka 12 saacadoodna aan wax cunno.’’ Intaas waxay ku sii dartay ‘’ Waa inaan raaco wakhtiga Mekka (La Soomo) laakiin waxaan ka warwaraaya inuu Illahay iga aqbalo iyo in kale soonkayga.’’

Marka laga yimaaddo waddamada inta badan soomaaya waxa jira waddamo soomaaya wakhti yar kuwaas oo kala ah waddanka ku yaal Koonfur Ameerika ee Arjantiin oo Muslimiinta ku nool lagu qiyaaso 1.9 ilaa 2% tirada guud ee waddanka, wakhtiga soonku waa sagaal saacadood oo keliya. Waxaa toban saacadood soomaaya waddanka Ustareeliya oo ay ku nool yihiin 2.2% oo muslimiin ahi.

Waa bil cibaado, waa bil Illahay addoomadiisa u danbi dhaafo, Illahay waxaan ka rajaynaynaa inuu dhammaanteen inoo wadda danbi dhaafo. Acmaasha iyo khayrka aan falayno bishan iyo bilaha kalebana innaga wadda aqbalo, aamin aamin.

Mukhtaar Cabdi Sheekh “Bulshaawi”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here