Askariga Hanka Lihi Waxaa uu Noqon Karaa Siyaasi Hoggaamin Leh
Ciidan-nimadu Ma Wax Lagu Faannaa Mise Waa Wax Laga Faanno?.
Sooyaalka Taariikheed Ee 29 Askari Oo Madaxweyneyaal Kasoo Noqday Wadanka Ugu Awooda Badan Dunida Iyo Isbeddelka Horumarinneed Ee Ay Muddo-xileedkoodii Ku Tallaabsadeen
Araar ama Hor-dhac
Ku sinnaan muddo haatan laga joogo illaa 5000 [shan kun] oo sannadood ayaa sooyaal taban ay mahadh-dhadu kasoo werisay taariikhda uu ina-nebi aadan ku lahaa kownkan, taas oo milicsiga raadadkeedu qaarad illaa qaarad dunida oo dhan xog waran wanaagsan laga daalacan karo.
Taariikhahan haddii aad u dhab-bo gasho waxaa ay xogo kaaga iftiiminayaan qaab dhismeedka nololeed ee bulshooyinkaas noolaan jiray, noloshoodu sida ay ahayd, cuntadoodu waxa ay ahayd, qaabka qoysaskoodu u dhisnaayeen, maamul ahaan iyo is kaashi ahaan sida uu nidaamkoodu ahaa. Waxa kale oo taariikhahaas ku suntan sida uu ammaankoodu ahaan jiray iyo asbaabaha dhalin jiray colaadaha ay geli jireen.
Dhammaan bulshooyinka noolaa wakhtiyadaa hore oo ay ka mid ahaayeen (faraaciintii, Romankii, Giriigii, dawladihii Kiristanka ahaa, dawladihii Islaamka ahaa, dawladihii ka hirgaley dhul-weymaha, Shiinaha, India, Japan iyo dawladihii soo gaadhay Qarnigii hore sida Boqortooyadii Austri- Hungry , tii Cismaaniyiinta, Tii Soofiyeedka iyo dhammaan dawladaha imika jira yurub oo illaa imika leh Boqortooyooyin Maamuus ah). Dhammaantood bulshooyinkaasi waxa si fiican looga dheehan karaa doorka ay ciidamadu ku lahaayeen maamulka dawladnimo, ka arrimaha bulshada iwm, waxa kale oo la ogaadey in shakhsiga heerka noloshiisa lagu qiimeeyn jirey welina lagu qiimeeyaa (dawladaha reer galbeedka ) ah derejada uu ciidanka dalkiisa ka gaadhay iyo dhaqaalaha uu haysto. Taas macnaheedu waxaa ay tahay heerka uu derejada bulshada kaga jiro qofku.
Biyo-dhaca iyo Nuxurka Qormada
Waxa caddaatey inay maamulka dawladnimo iyo ka arrimaha bulshooyinkaa hore iyo kuwa immikaba ay ciidamddu kaga jireen heerka u sareeya oo ay ahaayeen kuwa tada dawladaahaa soo hayey welina ay yihiin caalamka intiisa badan. Waxa aynu wada ognahay in aannu caalamku lahayn xuduudo sugan intii ka horreysey dagaalkii 2aad ee adduunka, dawladdaha caalamkuna waxa ay intooda badani ay ahaayeen boqortooyooyin ay xukumaan ciiddamo.
Dawladihii ISAALMKA ciidammadu waxa ay ahayeen kuw xukuumadda iyo talada dadkaba gacanta ku hayaa isla markaana door shariif ah ka qaatay fidintii diinta islaamka. Ciidammadaas waxa ugu horreeye Kheyru-khalqu-llaah Sayidunnaa Muxammed [NNKHA). Khulufaa’u-raashidiintii Afarta ahayd baa ku xigay, dawladihii Asxaabtu isaga kala dembeysay baa ka mid ahaa sida Khaalid-ibnu waliid, Mucaawiye bin-abuu Sufiyaan, Sacaada-diin Al-ayuubi iyo dhammaan hoggaamiyeyaashii duwalkii Cabbaasiyiinta iyo kuwii Umawiyiinta. Madaxdaas oo dhammaantoo noqonaya waxa ay reer galbeedku ku magacaabaan GENERALS, ama Bregadiel Generals.
Taasi waxa ay ku tusaysaa sida ay ciidamadu u soo xukumi jireen caalamka una yihiin kuwa hagi jirey illaa imikana haga siyaasadaha dawladaha caalamka. Iyagana [reer Galbeedka] intooda badan waxaa qarniyadii hore iyo kan aynu ku jirnaba hoggaamiyeyaashii soo xukumay ay u badnaayeen rag ciidammo ahaan jiray oo derajooyin muhiim ah gaadhay ciidanka.
Waxa caado ah saraakiisha ciidanka ka fadhistaa inay si toos ah ugu biiraan talada siyaasadeed ee dalalkooda, waayo ciidamadda ayaaba u dhisan ina la maamulo ciidanka laftiisa oo dad ama bini-aadam ah iyo inay la socdaan arrimaha dawladahooda siyaasadda arrimaha dibadda, dhaqaalaha iyo ganacsiga, Teknoolajiyadda, iyo dhammaan wax kasta oo khuseeya nolosha shacabkooda.
44 [afar iyo afartan] madaxweyne oo 29 [sagaal iyo labaatan] kamid ahi ahaayeen saraakiil ciidammada derajooyin sare ka gaadhay oo ka fadhiistay ayaa dal-weynaha maraykanka soo maray illaa immika. Taas oo khibrad baddan ay ka helaan muddada ay ku soo jiraan ciidanka, iyaga oo soo arka caalam ka duwan kii ay ku dhasheen soona barta bulshooyin kala duwan isla markaan fahma sida uu caalamku u wada noolyahay ama isku khilaafsan yahay, cidda xulufo lala noqon karo iyo cidda caddawga waddankooda ah, waxyaabaha keena khilaafaadka dawladdaha sida Xuduudaha dhulka iyo kuwa badda, biyaha, ganacsiga, ammaanka dawladdaha jaarka, ammaanka xulufada dalkooda iwm.
Koboca iyo horumarka aqoonneed ee ay Ciidammadu suuro-geliyeen
Jaamacadaha Ciidamaddu waxa ay leeyihiin Nooc kasta oo kulliyadaha wax barashada ah,
Sida Civil engineering, Mechanical engineering, Communication engineering, nuclear science, aviation engineering, space engineering, chimical engineering, geopolitcs, iyo kuwa kale oo badan. Tusaale ahaan horumarka ciidammada waxaa kamid ah degelka uu caalamku immika isticmaalo ee meel isugu wada keenay dunidii oo dhan, waa qalabka INTERNET-ka oo ay isticmalkiisa hirgeliyeen ciidanka dalka Maraykanku. Waxyaabaha kale ee ay ciidamadu horumar ka sameeyaan waxa ka mid ah Kiimikada, Tamarta, Isgaadhsiinta guud ahaan, Gaadiidka Cirka Badda iyo Dhulka. Waxa kale oo ay ciidamaddu hor u mariyaan Sancada dhismaha, Macdamaha, Birta iwm.
Dawladaha casriga ah ee qarnigii hore iyo kuwa maantana madax badan oo ASKAR ama saraakiil ciidan hore u ahayd ayaa talada ka qayb-qaadata. Dawladda Somaliland waxa ay kala mid tahay dawladaha. caalamka arrintaas, oo damac siyaasi wey leeyihiin waanay yeelan karaan ragga hore u ahaan jirey ciidamadu.
Madaxweynayaasha Loogu Jecelyahay Ee Dalka Mareykanka Soo Marey Dhammantood Waxa Ay Ahaayeen Saraakiil Ciidamada Ka Tirsan, Ka Hor Intaanay Noqon Madaexweynayaal. 44 Madaxweyne ayaa soo maray dalka maraykanka, 29 ka mid ah ayaa saraakiil ciidanka kala duwan ee USA ka tirsannaan jirey.
Ciidammadu Ma Wax Lagu Faannaa Mise Waa Wax Laga Faanno?, jawaabta akhristeyaasha ayaan u dhaafayaa khaasatan dadka ku doodda ama aaminsan in aanay Somaliland xilligan u baahnayn Hoggaamiye Ciiddan, iyaga oo dood aan aaminsanahay in ay jaban tahay daliil uga dhiga in la dhaafay xilligii askariga oo la joogo casrigii qalinka ama waqtigii ay awoodda qalinku shaqaynaysay. Waxaase is weydiin mudan in aragtiyaha diidani ay ka garaaabaaan haddii askartii Afrika ay dawladahoodii dumiyeen markey ka madax noqdeen, in Jabhaddii SNM iyada oo duurka ku jirta oo laba garab kala ah [Garab Siyaasadeed iyo Mid Millatari] haddana ay doorasho ka dhex dhici jirtay. Aragtiyaas oo caalamka u wada haysta siyaad Barre maxay u qiri la’yihiin SNM in aanay reer Somaliland ahayn dad xoog-xoog isugu talin kara balse ay ahaayeen [SNM ahaan] jabhad ka duwan jabhadaha caalamka ka jira oo ay ammaan u tahay dadkeenna.
Ciidammadu Ma Wax Lagu Faannaa Mise Waa Wax Laga Faanno?, jawaabta akhristeyaasha ayaan u dhaafayaa khaasatan dadka ku doodda ama aaminsan in aanay Somaliland xilligan u baahnayn Hoggaamiye Ciiddan, iyaga oo dood aan aaminsanahay in ay jaban tahay daliil uga dhiga in la dhaafay xilligii askariga oo la joogo casrigii qalinka ama waqtigii ay awoodda qalinku shaqaynaysay. Waxaase is weydiin mudan in aragtiyaha diidani ay ka garaaabaaan haddii askartii Afrika ay dawladahoodii dumiyeen markey ka madax noqdeen, in Jabhaddii SNM iyada oo duurka ku jirta oo laba garab kala ah [Garab Siyaasadeed iyo Mid Millatari] haddana ay doorasho ka dhex dhici jirtay. Aragtiyaas oo caalamka u wada haysta siyaad Barre maxay u qiri la’yihiin SNM in aanay reer Somaliland ahayn dad xoog-xoog isugu talin kara balse ay ahaayeen [SNM ahaan] jabhad ka duwan jabhadaha caalamka ka jira oo ay ammaan u tahay dadkeenna.
Haddaba Maxaa Muuse Biixi Cabdi haddii uu xisbigiisu u sharraxay inuu doorashada madaxweynaha Somaliland uga qayb galo, waa maxay dadka leh waa ASKARI, miyaanay ASKARTU dawladaha madax ka noqon karin, mise baroortu orgiga ka weyn, miyaanay ogayn in rag badan oo madaxweynayaal dunida ka soo noqday ay markooda hore askarinimo soo mareen.
Tirada Madaxweyneyaasha Maraykanka ee Ciidammada soo maray
John F. Kennedy- US NAVY
George H W Bush
FRANCE
Dalka Faransiiska: Madaxdii soo martey waxaa loogu jecelyahay Madaxweyne Charles de Gaull. kaas oo ahaa markii hore General de Gaull
RUSSIA
Dalka Ruushka maanta waxa horumar dhaqaale iyo ciidanba gaadhsiiyey aadna loo jecelyahay Madaxweyne PUTIN oo ahaa sarkaal sare oo ciidanka dalka Ruushka ka tirsanaan jirey.
UNITED KINGDOM
Madaxdii soomartey Dalka UK waxa loogu jecelyahy Sir Winston Churchill waxana uu ahaa sarkaal ROYAL ARMY ka tirsan, qoyska boqortooyada UK-na wixii rag ah waxaa khasab ah in ay kamid noqdaan saraakiisha ciidanka UK
Prince Charles waxa uu ku biirey ROYAL AIR FORC waxana uu bartey noocyada diyaaradaha oo kala duwan Waxa kale oo uu noqdey ROYAL NAVY Waxaana uu ahaa sarkaal ROYAL MILLITARY ga ah. Waxa halkan aynu ku caddeynay in ciidamadu caalamka doorweyn ku lahaayeen welina ku leeyihiin taladiisa iyo hoggaamintiisa
Liiska Madaxweymayaash Dalka Usa Ee Soo Marey Ciiddanka
General, George Washington
Colonel, James Madison
Colonel, James Monroe
Major General, Andrew Jackson
Major General, William Henry Harrison
Private, John Tyler
Major General, Zachary Tayl
Major, MIllard Fillmore
Brigadier General, Franklin Pierce
Private, James Buchanan
Captain, Abraham Lincoln
Brigadier General, Andrew Johnson
General, Ulysses Grant
Major General, Rutherford B, Hayes
Major General, James A Garfield
Brigadier General, Chester A. Arthur
Brigadier General, Benjamin Harrison
Major, William McKinley
Colonel, Theodore Roosevelt
Major Colonel, Harry S. Truman
General, Dwight D.Eisenhower
Lieutenant (Navy), J. F Kennedy
Lieutenant Commander, Lyndon B. Johnson
Lieutenant Commander, Richard Nixon
Lieutenant Commander, Gerald Ford
Lieutenant, Jimmy Carter
Captain (Air force), Ronald Reagen
Lieutenant (Navy), George H.W.Bush
First Lieutenant, George W.Bush