Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxabanaan ee Somaliland (The Somaliland Society of Independent Journalists and Writers (SSJW) wuxuu si adag u cambaaraynayaa Xadhiga lagula kacay Tifaftiraha shabakada wararka ee Berbera Today, Maxamed C/laahi Soo-fadhiiste oo sidoo kale ka tirsan telefishanka Somali Channel oo mudo afar maalmood ah xabsiga Berbera ku xidhan.
Ururka SSJW waxa uu xukuumada gaar ahaan maamulka gobolka Saaxil ugu baaqayaa in si degdeg ah xoriyadiisii loogu soo celiyo Wariye Maxamed Cabdilaah Soo-fadhiiste, lana xaqdhawro Madaxbanaanida Saxaafada Somaliland.
Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxabanaan ee Somaliland (SSJW) waxa uu xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku eedaynayaa inay caadaysatay ku tumashada madaxbanaanida saxaafada, isla markaana ay si badheedh ah oo sharciga baalmarsan ay xadhig iyo cabudhin ugu hayso Warbaahinta Madaxbanaan iyo suxufiyiinta ka hawlgalaba.
Waxaanu ururku usoo jeedinayaa hay’adaha xuquuqal iinsaanka iyo dawladaha Somaliland ka taageera dimuqraadiyada inay Xukuumada Siilaanyo cadaadis ku saaraan sidii ay u joojin lahayd xadhiga sharcidarada ah ee ay ku hayso saxaafada Somaliland.
Allaa Mahad Leh
Maxamed Ibraahim Sagax,
Afhayeenka Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxbanaan ee Somaliland.
The Somaliland Society of Independent Journalists and Writers (SSJW)