“Su’aashu Waxa Ay Tahay Guddoomiyaha KULMIYE iyo Afhayeenka Madaxtooyadu Ma Laba Col Oo Golahooda Ah Bay U Kala Hadlayeen Mise…?”

0
57

“Guddoomiyaha iyo Afhayeenku Iyaga ayaa Qaaday Gartii Dagaalka Wasiirrada Saaxiibka Ahaan Jiray”

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf Cali Gurey ayaa ka hadlay tafiirta xukuumadda iyo xisbigeedu uga tageen Somaliland iyo warqaddii gilgishay siyaasadda Somalialnd ee WIKILEAKS baahiyey.

Cali Gurey oo qoraal kooban ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebook-ga ayaa  naqdiyey sida ay xukuumadda iyo axsaabta siyaasadduba uga hadleen warqadaas, waxaana uu qoraalkisia ku bilaabay

“KULMIYE mar baynu geela ku darnay oo wuxu noqday awr dhal xun. Mar kale hadii dhal xumadiisa geela ku darno waxaynu ka filaa waa ka sii xun. Kud iyo cadhaba dishay wax dib geel loogu darsado maaha dhal xumadiisa. Tan kale Somaliland ma jaadle ayay ka liidataa marka jaadkii hore oo yaala mid cusubi ka soo dul dhaco Iyaguba wixii hore quba ayay yidhaahdaane.
Bal warqadan yar inta ka hadashay eega iyo siday uga kala hadleen eega. Waxad is odhanaysaa miyaanay xukuumad keliya ahayn mise iyaga dhexdooda ayay deeradu kala dhex miranaysaa oo waxay ka dhigteen hub ay isu adeegsadaan.

cali gurayAnigu runtii warqadan yar wax muhiim ah umaan arag. Waan rumaysanahay in qoraalka Sucuudigu isu qoray sax yahay uu jiro Laakiin heshiiska uu qoraalku ka waramay ma jiraa oo cadayn ma loo hayaa? Iska dhaafa dagaalka xidigaha ee wasiirada saaxiibka ahaan jiray ee bal ma dhegaysateen Gudoomiyaha Kulmiye iyo Af hayeenka Madaxwaynaha ee iyagu gartiiba qaaday ee midba dhinac u riday. Sua’aashu waxay tahay labada masuul ma mucaaridka arinka wadwaday bay taaga u jawaabayeen mise laba col oo gudahooda ah ayay u kala hadlayeen. Tan kale
Muuse Biixi waxad moodaa in aanu xilkiisaba garanayn waayo iyada oon weli jawaab rasmi ah oo warqadan ku saabsan xukuumadaba ka soo bixin ayuu isaga oon ka tirsanayn xukuumadii jawaabta looga fadhiyay is midi roortaynayaa kana jawaabayaa wax aan isaga looga fadhiyin inu ka jawaabo. Kolay malaha jawaabta rasmiga ah ee xukuumadda waxa uun loo qaadan karaa hadalka Wasiirka Arimaha Dibadda, ama ha lagu qanco ama yaan kagu qancine; inkasta oo anigu ilaa hadda aanan maqal

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here