Sucuudiga Oo Joojiyay Xoolaha Dalal Ku Yaalla Bariga Afrika, -[Somalia Maku Jirtaa?]

0
14

Riyaad (Hubaal)– Wasaaradda Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ee dalka Sucuudiga ayaa joojisey xoolihii uga soo degi jirey dalalka Sudan iyo Djibouti. Wasiirka ayaa xanibaadan u cuskaday war ka soo baxay Ururka Caalamiga ah ee Caafimaadka Xoolaha ee loo gaabiyo OIE , isaga oo sheegay in uu jiro walaac sheegaya in cudurka Rift Valley fever (RVF) uu ka dillaacay dalka Sudan.

Waxaana ahayd mid jirtey in tijaabo laga qaaday xoolo ka soo dhoofay dalka Jabuuti laga helay cudurkaa sidaa darteedna loo soo celiyey.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Sucuudigu uu 5 milyan oo madax oo lo’ aad ah ka soo dhoofsaday Sudan, halka 700,000 oo kalena uu ka keensaday Jabuuti intii lagu jirey sanadkan Hijriga ah, joojinta ka hor.

Afhayeen u hadlay Wasaaraddaa Sucuudiga, Abdullah Abalkhail, ayaa sheegay inay haystaan suuq kale sida dalalka GCC, oo kala ah Jordan, Uruguay, Eritrea, Ethiopia, Australia, New Zealand, Pakistan, Georgia, Portugal, Hungary, Kazakhstan iyo Romania, sidoo kale Chinese Mongolia, Argentine, Brazil iyo Maraykanka.

Yeelkeede, dalalkan ayaa ah kuwo aan la tartami karin dalalka Afrika marka loo eego tirada, tayada iyo sicirka xoolaha oo qaali ah dhanka dalalka kale, tayo ahaanna ka liita, marka loo eego cimilada ay ku noolaayeen, sida uu sheegay Al-Jadani.

Jamhuuriyada somaliland iyo somaliya ayaan iyaga lagu xusin marka la eego dalalka laga joojiyay iyo dalalka loo weecinayo intaba

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here