Suhuur Xasan Abiib Oo Shaacisay Inay U Sharraxantay Madaxweyne Ku-Xigeenka WADDANI Iyo Baaq Ay Soo Saartay.

0
73

“Waxaanay Somaliland gelin doontaa gadoon Siyaasadeed oo dibedda..” Marwo Suhuur Xasan Abiib

Suhuur-Xasan-Abiib GGGG

Dubai (Hayaannews): Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga WADDANI ee Waqooyiga Maraykanka ahna Safiirka Wareega ee Xisbigaas Marwo Suhuur Xasan Abiib, ayaa Shaaca ka qaadday inay u sharaxan tahay Murrashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga WADDANI oo dhawaan la filayo in la qabto Shirkiisii Golaha dhexe ee lagu dooranayo Musharrixiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka.

Waxay Suhuur Xasan ka digtay dib-u-dhac markale ku yimaada doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo aad loo hadal-hayo inay dib u dhacayaan. Waxay sidoo kale ku baaqday inay Haweenku Saami muuqda ku yeeshaan Kuraasta Golaha Wakiillada ee go’aan ka gaadhista Saamiyada gobollada Madaxweynaha laga sugayo oo aan Dumarka la dhayalsan doorkooda.

Suhuur Xasan Abiib oo soo bandhigtay hankeeda Siyaasadeed, waxay tidhi; “Waxaan u sharraxanay Murrashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga WADDANI,waxaanan ahay Haweenaydii ugu horreysay ee ku dhawaaqday inay u sharaxan tahay xilka jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga WADDANI, Sidaa daraddeed waxaan ka codsanayaa dhamaan reer Somaliland, gaar ahaan Haweenku inay I taageeraan, waxaanan si gaara uga codsanayaa Heenka Xisbiga  WADDANI inay codkooda I siiyaan si aan jagadaasi ugu soo baxo, marka la gaadho Shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI oo lagu dooranayo muurashixiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo Kuxigeenka”

“Maalmihii u danbeeyey waxa Warbaahinta Somaliland qoreysay inay dib u dhacayaan doorashooyinka Madaxweynanimada iyo Golaha Wakiillada oo la filayo inay dalka ka qabsoomaan horraanta sannadka 2017-ka, waxaan ka digayaa inay mar labaad dib-u-dhacdo doorashooyinku, haddii ay dib-u-dhacaan waxay dhaawac Siyaasadeed ku keenaysaa Somaliland…” ayey tidhi Marwo Suhuur Xasan Abiib oo caawa u waramaysay Shabakada Wararka ee Hayaannews.

“Waxay keeni kartaa hanaankii dimuqraadiyadeed ee Somaliland ka hano-qaadday inay fashilmaan, haddii doorashooyinku dib u dhacaan, markaa, waxaan soo jeedinayaa inaanay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu wakhtiga hore loogu cayimay dib looga dhigin ee ay wakhtigooda dhacaan.” Sidaa ayey tidhi Marwo Suhuur.

Sidoo kale, Suhuur Xasan Abiib oo ka hadlaysay tixgelin ay sheegtay in Haweenka loo sameeyo Saamiga Kuraasta Golaha Wakiilladana si fiican uga dhex-muuqdaan, waxay tidhi; “Waxaan Madaxweynaha u soo jeedinayaa arrinta Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilalda ee laga sugayo inuu go’aan ka soo gaadho si qurux badan oo cid waliba ku qanacdo loo qorsheeyo, isla markaana ay Haweenka Kuraas muuqata oo aan goordhow muran la gelin looga qoondeeyo oo aan Dumarka doorkooda la dhayalsan.”

Waxay Musharrax Suhuur Baaq u dirtay Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE, waxaanay tidhi; “Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE waxaan ugu baaqayaa inay iska daayaan indha-adayga, isla markaana ay tix-geliyaan Cabashada ka taagan gobolka Saaxil, culayskana ay Xukuumaddu ka dul-qaaddo dadka reer Berbera ama guud ahaan gobolka Saaxil, kol hadday meel-marsatay Mashruucii wareejinta Dekedda Berbera, waa inay cabashada ka taagan arrintaas ee reer Berbera qabaan tix-gelisaa.”

“Intaas waxaan ku darayaa in Qandaraasyada Mashruucaas DP World la xidhiidha ay caddaalad ku salayso Xukuumaddu oo aanay nin jeclaysi, reer Hebel jeclaysi iyo Qaraabo-kiil ka dhigin ee ay cadaalad iyo sinnaan u maamusho Mashruucaas, arrinta Cabashada  Muruqmaalka Dekedda ee aan weli wax laga qabanna wax laga qabto oo Xaqooda la siiyo haddii liiskii Shaqaalaha la wareejinayo laga reebay.” Sidaa ayey tidhi Musharrax Suhuur Xasan Abiib.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here