Suld. Aadan Faarax Oo Si Adag U Naqdiyey Isku Shaandheyntii Uu Madaxweyne Siilaanyo Ku Sameeyey Xukuumaddiisa

0
30

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay Ka Hadlay Istiqaallad Uu Masuul Kasoo Jeeda Beesha Suld. Aadan  Kaga Cudur-daartay Xilka Loo Magacaabay

 suldaan-aadanHargeysa:(Hubaal)-Suldaan Aadan Faarax Cumar oo kamid ah madax-dhaqameedka Beellaha Ciidagale Ayaa   si weyn u dhaliilay isku-shaandhayntii uu dhawaan golaha xukuumadda ku sameeyey madaxweyne Siilaanyo, waxana uu shaaciyey in bulshada uu suldaanka u yahay tashan doonaan.  Suldaanka oo magaalada Hargeysa kula hadlay qaar kamid ah warbaahinta, ayaa xusay in isku-shaandhayntii la sameeyey ay jiraan umad badan oo aan lagu soo darin oo saluugsani, isla-markaana ciddii aanay taaban loo arkayo cid laga maarmay,“Ayaamahan waxa dhacayey isku-shaandhayn la lahaa madaxweynuhu dad badan buu qaarna xilka-qaadis ku sameeyey, qaarna xilal u magacaabay, madaxweynuhuna isaga talada leh,  haddana waxyaabaha soconaya dad badan oo umadda kamid ah baan iska dhex arkin, haddii xukuumadda KULMIYE ay isku-shaandhayntan imika la sameeyey ku ololaynayso ninkii aan iska dhex arkin waxba uguma jiraan olalahaas.” Ayuu yidhi suldaan Aadan Faarax Cumar. Isaga oo hadalkiisa sii wata suldaanku waxa uu sheegay inaanu marnaba caddaalad-darro yeeli doonin, isla-markaana bulshada uu suldaanka u yahay halkii ay marto uu mari doono oo aanay jirin cid gaar ah oo uu xidhayaa, waxana uu yidhi,“Suldaan reer Somalilad ah baan ahayoo dalkayga waan usoo shaqeeyey, caddaalad-darradana ma yeelayno, dadka aan suldaanka u ahayna meel aan anigu ku hayaa ma jirtee halkii aad dantiina u aragtaan mara, aniguna halkii aad martaan baan idinla marayaa, waayo meel waliba waa Somaliland.”

Hadalka Suldaan Aadan Faarax, ayaa imanaya xilli ay soo badanayso saluugga bulshadu ka muujisay isku-shaandhayntii uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo Sameeyey, iyada oo uu weli socdo guuxa  iyo qawadka wareegtadaas ka dhashay oo ka bilaabmay siyaasiyiintii la magacaabay oo diidmo markiiba muujiyey.

Sidoo kale waxaa ay ku soo beegantay dhaliisha suldaanku xilli uu xalay cawayskii madaxweyne siilaanyo aqbalay istiqaalad uu wasiir ku xigeenkii kalluumaysiga ee uu dhawaan magacaabay kaga cudurdaartay xilkaas, masuulkaas oo kasoo jeeda beesha uu Suldaan Aadan hoggaamiyo.

Warsaxaafadeedka Madaxweynaha

 War-saxaafadeed xalay  ka soo baxay aqalka madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynuhu Eng. Xuseen Aadan Cige Deyr ayaa lagu sheegay aqbalaad uu madaxweyne Siilaanyo ka aqbalay istiqaalladii wasiirku xigeenka cusub ee kalluumaysiga ee uu dhawaan magacaabay Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh Warsame, kaasi oo ka cudur daartay inaanu xilkaas qaban karin. Warsaxaafadeedkaas oo nuqul kamid ahi soo gaadhay wargeyska Hubaal waxaa isaga oo dhamaystiran uu uqornaa sidan:  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu ka aqbalay Istiqlaaladii uu u soo gudbiyey Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee uu Madaxweynuhu dhawaan xilkaa u magacaabay. Madaxweynuhu waxa uu (Insha Allah) dib ka soo magacaabi doonaa masuul ku haboon isla markaana hanan kara xilkaa Qaran.

Madaxweynuhu wuxuu Istiqlaalada masuulkaa kaga jawaabay sidan soo socota:-

Ku:           Mudane, Cabdi-qaadir Sheekh Maxamuud Warsame

                 Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

 Og:          Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

Ujeeddo:  Istiqlalaad Istiqlaalad Xilka Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

Mudane,

In muwaadinka loo magaacaabo xil qaran si uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu adeego waa sharaf iyo maamuus. Haddaba, aniga oo ka duulaya habsami u socodka hawlaha baaxadda leh ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda waxa soo dhaweynayaa cudurdaarka iyo go’aankaaga ah inaanad qaban karin xilkaa kor ku xusan. Sidaa darteed, mudane waan kaa aqbalay istiqlaaladda aad ii soo gudbisay waxaanan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.

ALLAA MAHAD LEH

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here