Suld. Mahad Caraj Oo Naqdiyey Caaqil Uu Waran-cadde Aqoonsaday Oo Hargeysa Lagu Caleemo Saaray

0
30

Hargysa (Hubaal)-Suldaan Mahad Caraj oo ka mid ah salaadiinta reer Somaliland gaar ahaanna  ka soo jeeda bariga Hargeysa  ayaa si kulul uga hadlay Caaqil Cusub oo dhawaan magaalada Hargysa  lagu caleemo saaray kaasi oo wasiirka wasaaradda daakhiligu uu aqoonsiga madax dhaqameednimo siiyey. Suldaan Mahad Cara goo ka hadlay arrintan ayaa sida aanu kasoo xiganay Qarannews.com waxaa uu yidhi suldaanku. suldaan-mahad“Waanu is naqaanaa hadaanu nahay cida degta gobolka Hargysa, ee deegaan ahaan iyo dal ahaanba iyagu deegaanka iska leh, mana qabo in dhaqanka iyo shuruucda lagu samaysto caaqilnimada meel lagaga dhaco, qof dalka ku yimid marti ama qaxooti ama u soo shaqo tagay dalka in uu shuruucda dalka u yaala ku tunto, waxna aan ugu baaqaynaa ninka Jaarsada ah ee caaqilka ka sheegtay Hargaysa in uu arrintaasi ka noqdo oo dalkiisii ku laabto, dadka qaxootiga ah ama shaqaalaha ah ee dalka ku sugana waxa aan ka codsanayaa in ayna ku xadgudbin deegaanimada iyo wadaniyada dalaka oo ay tix galiyaan shuruucda dalka u taala oo mamnuucaysa in beelo horleh lagu soo kordhiyo Somaliland, beelo iyo hogaamiye dhaqameed aan dalka u dhalan wax meel ah oo uga banaani majirto ee shuruucda dalka ha la tixgaliyo xukumadana waxa aan ka codsanyaa in ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaado ninkaasi sharciga dalka iyo ka deegaankaba ku xad gudbay” ayuu yidhi suldaan Mahad oo hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay. Arintani ayaa waxa hore uga hadlay culimo awdiin ka mid ah culimada dalka iyo salaadiin, cuqaal, waxgarad, siyaasiyiin iyo dadweyne aad u tiro badan waxana laga cabsi qabaa hadii aan dawladu talaabo deg deg ah arintaasi ka qaadin in dadku ay iyagu samayn doonaan dibad baxyo iyo in ay dadka sida sharci darada dalka ku jooga iyo ka caaqilka beenta ah sheebanaaya ay iyagu dalka ka saari doonaan, taasi oo aan habonayn in la sameeyo hase ahatee ay xukumaddu ay talaabo ka qaado ninkaasi sida sharci darada ah u sheegtay caaqilka oo aan wax deegaan ah ku lahayn dalka

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here