“Cimrigiiba Shirkan Oo Kale muu Qabsoomin, Ee Yaan La Fududaysan Go’aamadda Ka Soo Baxay…… Waxna Bulshada Ayaa Lagula Dhaqmayaa Waxna Xukuumadda” – Suldaan Maxamed
Hargeysa(Hubaal):-Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa xukuumadda ugu baaqay in aanay siyaasadayn isla markaana carqalad ku noqon go’aamada ay soo saareen ergooyinkii shirkii tol-wanaaje ee dhawaan beellaha Garxajis ugu soo xidhmay buurta GACAN Libaax. Suldaanku waxaa kale oo uu xukuumadda ku dhaliilay colaada ceel afweyn oo uu wax ka saaray riiqdeeda dheeraatay. Suldaanku waxa kale oo sheegay in la dhaqan galiyo go’aamaddii ka soo baxay shirkii muddadda tobanka cisho ah uga socday beesha Garxajis Buurta Gacan-libaax. Suldaanku wuxuu sidan ka sheegay xidhitaankii shir weynaha Beesha Garxajis ee ka socday Buurta-gacan libaax. Suldaanka oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Xukuumadda waxaannu ugu baaqaynay inay faraha kala baxdo collaadda Ceel-afweyn, haddii ay kala bixi waydo waxaannu la soo safan doonnaa tolkayo,”Ayuu yidhi Suldaan Maxmaed Cabdiqaadir
Sidoo kale, Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, wuxuu sheegay in aan la dhayalsan go’aanka ka soo baxay shirweynaha Beesha Garxajis “ Cimrigiiba horta shirkan oo kale inoomu qabsoomin, waana shir taariikhi ah oo yaan la fududaysan Go’aamadda ka soo baxay. Waanna inay dhaxal-gal noqdaan oo ay wax la taaban karro noqdaan ayaa loo baahan yahay, Waxna bulshada ayaa lagula dhaqmayaa waxna xukuumadda.”Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed Dhinaca kale. Suldaanku wuxuu iftiimiyey in bulshadda nabad lagula dhaqmo“Bulshada nabad ayaynu kula joognaa, Xukuumaddu markay sidaa mudac yar innoo geliso, annagunna mashkac ayeynu gelin….”