Waxa Uu Tafsiir Ka Bixiyey Sida Ay Milgaha Uu Huwan Yahay Uga Turjumayso In Hadal Aan Looga Baran Uu Ku Tiraabo
“‘Somaliland ka bari jira iyo ka galbeed jiraba anigu suldaan baan u ahay mana odhan karo waar is laaya ee Waxaan Qabaa In Dadka Gudaha Ku Jira Ee Wejiga Kale U Soo Xidhanaya Xukuumaddu Ay Waxan Oo Dhan Ka Dembeeyaan”
Hargeysa (Hubaal) Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa Raaligelin Ka Bixiyey Hadal Bulshada Somaliland Dhibsatay Oo Kasoo Yeedhay Isaga, kaasi oo la xidhiidhay dagaal dhawaan laba beelood ku dhexmaray degaanka Dararweyne. Suldaanku waxa kale oo uu sheegay inuu dib u dhigay shir ay qabsan lahayd beel kamid ah beelaha Somaliland, oo uu hore u iclaamiyey. “Hadalkaygaas haddii colaad loo qaatay anigu waxaan ka bixinaya raalligelin, haddii ay dee wax xaqiiqo ah ay ahaydna ciddii aan dusha ka saaray raalli iga ahaada ayaan leeyahay”. Sidaas ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi oo maalintii shalay waraysi gaar ah siiyeye telefishanka Horn Cable, waxaan auu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata, “Anigu markaas umaan jeedin reer gaar ah ee maamulka xukuumadda ayuunbaan ku dhaliilayay. Sidaas oo ay tahay dhammaan waxaan ka codsanayaa salaadiinta Somaliland in labadaas beellood ee dagaalku dhex maray in ay gurmad u galaan sidii ay dagaalka u joojin lahaayeen oo ay labada beelloodna miiska wada hadalka toos u yimaadaan oo ay la kulmaan salaadiinta somaliland oo dhan”. Ayuu Suldaan Maxamed Yidhi, waxaana isaga oo si gaar ah ula hadlaya madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu hadalkiisa kuladhay codsi la xidhiidha shir uu hore u iclaamiyey qabsoomidiisa oo uu sheegay inaanu wax dhib ah u lahayn dalka “arrintaasi si ay u dhammaato Madaxweynaha waxaan leeyahay in Salaadiinta lagu taageero shirkaas aan qaban doono”.
Dhinaca kale waxaa uu ku baaqay in la is barbar taago xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Md. Muuse Biixi Cabdi, ‘waxaan leeyahay Somaliland waa muqadas maadaama oo aan anigu ahay Suldaankii guud ka bari jira iyo ka galbeed jiraba anigu suldaan baan u ahay mana odhan karo waar is laaya ee waxaan leeyahay xukuumaddana hala taageero madaxweyne Muusena waxaan leeyahay Madaxweynihii jira ee jooga alla ha kaa dhigo”. Ugu dembeyn mar suldaan Maxamed la su’aalay dhadhanka laba hadal oo toddobaadyo gudahood isaga ka soo yeedhay kuwaas oo aad u kala duwan sida ay uga turjumayso milgaha saldannada uu hoggaankeeda hayo, waxaa uu yidhi isaga oo taas ka jawaabayay “waa dhab waana su’aal wanaagsan ta aad I weydiisay, mar mar bay shucuurta dadku kaa keenayayaan inaad hadal kulul ku hadasho laakiin hadalka kululi dhib ma laha ee dadku waxbay ku qaataan sida aan qabo laakiin hadduu dhibaato keenayo [ma wanaagsan] waxaanse qabaa anigu in hadalkii kululaa ee aan idhi uu joojiyey dagaalkii halkaa [Dararweynne] ka socday uu joojiyey ilaa maalintii aan hadlay illaa immika. [aniguse waxaan qabaa] in dadkan gudaha ku jira ee wejiga kale u soo xidhanaya xukuumaddu ay waxan oo dhan ka dembeeyaan”. Ayuu yidhi Suldaan MAxamed Suldaan CAbdiqaadir Suldaan Cabdillaahi.