Hargeysa:(Hubaal)-Suldaan Axmed Suldaan Macallin Ibraahim oo kamid ah salaadiinta caanka ah ee reer Somaliland, ayaa lacag dhan 5000,000slsh(shan milyan) ah ku wareejiyey guddida abaaraha ee heer-qaran, waxana lacagaas si rasmi ah u guddoomay wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo xubin ka ah guddida taakulaynta abaaraha.
Munaasibad kooban oo loo qabtay wareejinta lacagtan uu bixiyey suldaanku, ayaa waxa ka qaybgalay sulaadiin, cuqaal, ugaasyo, wasiirro iyo weliba gudida abaaraha ee heer qaran, waxana halkaas laga jeediyey hadallo nuxurkoodu ahaa sidii umadda loogu guubaabin lahaa inay gacan ballaadhan ka geystaan dhibaatada abaartu sababtay ee gobollada bariga dalka ka taagan.
Salaadiin uu kamid ahaa Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo halkaas ka hadlay, ayaa suldaanka uga mahadnaqay lacagta uu guddida abaaraha ku wareejiyey, waxana hoosta ka xarriiqeen inuu furay jid wanaagsan oo keenaya in dad badan oo bulshada magac ku lihi si iskood ah ugu dhawaaqaan deeqaha ay abaaraha kaga qayb qaadanayan.
Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo lacagan guddoomay, ayaa mahadnaq u jeediyey suldaanka lacagta wareejiyey, waxana uu eebe uga baryey inuu ka abaalmariyo sida naxariista leh ee uu ugu damqaday dadkiisa ay abaarta darani taabatay.
Suldaan Axmed Suldaan Macallin Ibraahi oo suldaanka lacagtan wareejiyey, ayaa ugu dambayntii halkaas ka hadlay, waxana bulshada ku guubaabiyey inay si hufan uga qayb qaataan abaarta haatan taagan, isaga oo qaybaha kala duwan ee bulshadana hogo-tusaaleeyey dariiq haddii la isticmaalo deeqo badan lagu ururin karo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“umaddu hadii ay iskaashato oo nin waliba waxa u hayo bixiyo wax badan bay noqonayaan, waxan ku baaqayaa inay xaafaduhu maalin qadada iska daayaan oo carruurta baahan ee miyiga ku harraadan wax ugu taraan, Macallimiintuna ay mushaharkooda wax gooyaan oo ardaydu nusaasaacadooda hal maalin oo la isla yaqaanno iska gooyaan oo la isku geeyo, taasina wax badan bay taraysaa, maantana waa maalintii la isu gurman lahaa,”.
Suldaankan, ayaa noqonaya suldaankii ugu horreeyey ee si iskii ah guddida abaaraha lacag ugu wareejiya, waxana uu furay dariiq cusub oo ku-dayasho mudan, isla-markaana bulshada ku dhiirrigelin kara inay deeqahooda soo ururiyaan.