Gabilay (Hubaal)- Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay degaanka Goray ee Gobolka Gabilay, ayaa lagu caleemo-saaray Suldaan Abshir Xasan Cali oo noqonaya suldaanka guud ee beesha Akisho ee degta galbeedka Somaliland.
Xafladda caleemo-saarka ah oo qabsoontay Axaddii shalay, waxa ka qaybgalay madax-dhaqameed kala duwan oo isugu jira boqorro, salaadiin, cuqaal ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, waxgaradka iyo haweenka beesha Akisho ee Gobolka Gabilay.
Xubno madax-dhaqameed ah iyo marti-sharaf hadalo ka jeediyey xafladda caleemo-saarka ah, ayaa dhammaantood u hambalyeeyey, una duceeyey suldaanka la caleemo-saaray ee Suldaan Abshir Xasan Cali, kuwaasoo sidoo kale ugu duceeyey in Ilaahay (SWT) ku asturo xilka dhaqan ee loo cumaamaday.
Qaar ka mid ah salaadiinta lagu martiqaaday xafladda caleemo-saarka ahayd oo hadalo jeediyey, ayaa kula dardaarmay suldaanka cusub inuu si caddaalad ah ugu shaqeeyo bulshadiisa, waxayna Ilaahay uga baryeen inuu ka ilaaliyo gar eexo iyo guddoon jilicsan, iyagoo sidoo kale beesha caleemo-saartay kula dardaarmay inay xaq-dhawraan suldaankooda, loona goglo geed hoostii lagu siyaarto, si aannu u noqon suldaan kolba meel wareega.
Suldaan Abshir Xasan Cali oo hadal ka jeediyey xafladda caleemo-saarkiisa, ayaa u mahadceliyey beesha u xulatay inuu u noqdo suldaankooda guud, waxa kaloo uu u mahadnaqay marti-sharafta kala duwan ee goob-jooga ka ahayn caleemo-saarkiisa.
“Waxaan hambalyo ballaadhan u dirayaa ummad weynta reer Somaliland, waxa kaloo aan leeyahay tolka hawsha ballaadhan ee ii dortay anigoon u marin waddo aan ku raadiyo mas’uuliyadan intan le’eg, annigoo aan u marin dedaal iyo karti aan ummadda aad dheertahay anoon is lahayn, haddana markuu tolkay sidaas iskugu noqday ee uu isha ismariyey aniga oo aan iska filayn ayey ushu ugu dhacday tolka, waxaanna la igu yidhi kac oo taladiisa qabo, hawshaas tolkay ii gartay waxaan tolkay leeyahay waad ku mahadsantihiin,” ayuu yidhi Suldaan Abshir Xasan Cali.