Hargeysa:(Hubaal)-Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay hirgelin la’aanta heshiiskii dhawaan Saddexda xisbi iyo xukuumaddu ku gaadheen in lagu soo gaabiyo mudd-kordhintii Guurtidu samaysay, isagoo sidoo kalenaa saluug ka muujiyey hab-dhaqanka Guurtida xilligan Somaliland ka jirta.
Suldaan Maxamed oo u warramayey qaar kamid ah warbaahinta, ayaa sheegay inay haboon tahay in si dhab ah loo hirgeliyo heshiiskii saddexda xisbi-qaran iyo xukuumaddu gaadheen, waxana uu ku adkaystay in la qaado caqabadaha arrintaas liddiga ku ah si wada-jirka iyo ammaanka loo ilaaliyo.
Sudlaanku waxa uu sheegay inay Guurtidii siinad baxday, isla-markaana ay dhaxal-tooyo ku yimaadeen xubno dhallinyaro ahi, waxana uu kasoo horjeestay inay guurtidu doorasho ku timaaddo,
“wixii ay saddexda xisbi-qaran isla aqbaleen waxa qurux badan in sidiisa lagu ansixiyo si dhibaatadu u yaraato, haddaanay doonayn in rabshado ka dhacaan Somaliland. Golaha Guurtiduna waa Golihii aanu keenay ee aanu Caydaroosh kusoo xulnay, saakana toddoba qof baa ka nool bahashiina waxay isu beddeshay dhaxal-tooyo, ninka Guurtida gelayana cod laguma soo dooran karo, sababtoo ah mid beelaha isku guba iyo mid belaayo dhex dhigaaba way soo gelayaan.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed. Suldaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhaxalka kali ah ee Taariikhda u galay Guurtida Xilligan ay tahay Muddo-kordhin iyo mushahar kordhin, taasina ay noqotay sunni soo noqnoqday, waxana uu yidhi, “Waxan leeyahay Golaha Guurtidu mar walba waa inuu xul noqdaa oo ay soo xulaan madax-dhaqameedka iyo salaadiinta, Haatanna Waxad Mooddaa inuu Golaheenu noqday mid aan waligiiba cidi ridi karaynin, sababtoo ah ilaa muddadii ay jireen wax cusub oo aan ahayn aan mushaharka kordhisanno iyo aan muddada kordhisano may keenin, Markay korodhsadaanna Baarlamaankiina waa u kordhaysaa Wakiilladiina waa u kordhaysaa.” Waxa uu dhaliilay dimuqraaddiyadda Somaliland ku faanto oo uu ku sheegay inay tahay kali muddo la korodhsado uun,“marka aynu leenayay Dimuqraaddiyad baynu qaadanay Dimuqraaddiyadda aynu qaadanay waa Muddo kordhin uun, Maantana waxa muuqata in wax kale oo aan hore inoo soo marini ay muuqdaan.” Ayuu yidhi Suldaanku. Dhinaca kale waxa uu suldaan Maxamed Jawaab kooban ka bixiyey dhaliilo la xidhiidh Rabitaanka Soomaaliweyn uu dhawaan u jeediyey Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo kamid ah Salaadiinta Somaliland, waxana uu sheeg in Suldaan Cabdilaahi oo ahaa Aabihii dhalay Suldaan Xasan uu ahaa shakhisyaadkii ugu horreeyey ee Arrimahaas ku tallaabsada, waxana uu yidhi,“Suldaan Cabdiraxmaan iyo Suldaan Cabdilaahi waxa ay ahaayeen raggii ugu horreeyey ee Calanka SYL Waqooyiga ka taagay, ingiriiska oo taaganna Geela ku qalqalay. Suldaan Xasan-na waxan leeyahay kollay Ba’ dahabaynu isku nahaye yeynaan warmaha isku taagtaagine aynu kala xishoono, Intaas wax dhaafsiisanna Suldaan Xasan u dhaafi maayo, Boqor Buur madow iyo Boqor Bad-madowna waan ugu mahadnayaa jawaabtii ay bixiyeen.” Mar uu ka hadlayey Dhawaaq uu dhawaan Xidhiidhka Puntland ka sheegay oo dadka qaarkii dhibsadeen, ayaa waxa uu yidhi,“haddii aanu nidhi nabadgelyada iyo isdhexmarka iyo ganacsiga dee xaq baanu leenahay, annaguna dad shacbi ah baanu nahay oo xukuumad ma nihin, xukuumadduna waa taa dadkeedii xukumaysa.”