Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Dardaaran u Jeediyey Maayir Solteco iyo Xildhibaannada Mucaaridka ku ah

0
20

“Haddii aad jeceshihiin in shacabku kalsoonida idin kala noqdo waxan (khilaafka) aad wadaan ku sii socda, haddii kalena dib uga laabta waxan aad bilowdeen ee kursi jecaylka ah, ileyn wada maayar noqon maysaanne”

Hargeysa (Hubaal)-Suldaanka guud ee reer Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa dardaaran u jeediyey maayirka Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) iyo xildhibaannada golaha degaanka ee mucaaridka ku ah.

suldaan maxamed

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo saxaafadda ugu waramay magaalada Hargeysa maanta, waxa uu maayirka ku ammaanay waxqadka uu muujiyey muddadii uu xilka hayey, isagoo ku booriyey in aannu ku mashquulin hawlaha xildhibaannada ka soo horjeeda, balse uu sii wado dedaalkiisa waxqabad ee caasimadda.

“Maalmahan dambe waxa dhaqdhaqaaq ka socday dawladda hoose ee Hargeysa, waxan leeyahay dadka golaha deeganka reer ma dooran ee waxay ka kooban yihiin dhammaan deegaanka reer Somaliland oo dhan weeyi codkooddii oo dadkii ay siiyeen soo baxeen, sidaa darteed waxan leeyahay xildhibaannadu ha ka foojignaadaan waxan ay wadaan, muddo gaaban ayuu maayarku shaqaynayey, wax qabadkiisa waa la arkay oo wax la dafiri karo maaha, kolay qofku beel buu ka dhashaa, maayarkuna beel buu ka dhashay, ragga ay isku beesha yihiin ee hawshan wada waxaan leeyahay dib u joogsado oo idinku kaligiin maayarnimo ma lihidine, waxaad ogaataan in haddii maayarkaasi ridaan aydaan maayar dambe noqon doonin oo beelaha kale idinla tartamayaan, taasina waa jaaniska aad bixisaan, waxaan leeyahay beesha uu ka soo jeedo maayarku ragga ay ka soo wada jeedaan arrimaha aad wadaan ka joogga, haddii kale annaga uun baa isa soo xayd xaydi oo iman doonna, intii uu Jiciir (maayirkii hore ee Hargeysa) hayey in le’eg ilaa uu hayo cidna ka yeeli mayno inuu arrin kale u dhigo, muddadii uu Jiciir hayey inleeg ama ka badan ayuu haynayaa,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Waxa kaloo suldaanku kula taliyey xildhibaannada golaha degaanka Hargeysa in aanay wada maayir noqon, hawshana u daayaan cida loo doortay, waxaannu yidhi; “Shan iyo labaatankiina (25) xildhibaan haddii aad wada maayar noqotaan heli maysaan, maayarkana waxaan leeyahay ninna ha baryin, cidna waxba kaa qaadi mayso, hana ku mashquulin iyaga (xildhibaannada mucaaridka ah) hawshaada kale waddo, madaama oo aad adigu tahay maayarkii maayarrada Somaliland waa inaad hawshaada iyo waxqabadkaagu  ku mashquushid, xafiiskaaguna yaanu noqon mid golaha deegaanku u soo sheeko tagaan, taas waxa ku lumay wakhtigii uu Jiciir (maayirnimada) hayey 25 ninba xafiiska uun bay joogi jireen, shan iyo labaatanka Maayar oo is wada ag fadhiya ayey ahaayeen, ninkii hunguri ka hayo inuu maayar noqdo annaga cidnaba ka ogolaan mayno,  annagaa ragga kala naqaana ka wax qabanaya iyo ka kaleba, kaas ayey ummaddu dooratay, dadkan golaha deegaanku doorteen ma metalayo 25  xildhibaan oo kaliya ee wuxuuu metalayaa ummadda oo dhan, haddii maamulku waayo kala dambeyna waxaa soo wadaan waa qas iyo buuq ka dhasha uun, taasna uma baahna ummadda Somaliland, haddii aad jeceshihiin in shacabku kalsoonida idinkala noqdo waxan (khilaafka) aad wadaan ku sii socda, haddii kalena dib uga laabta waxan aad maalmahan bilowdeen ee kursi jecaylka ah, ileyn wada maayar noqon maysaanne, nin ayuu Ilaahay u gartee u daaya ninkaasi uun.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here