Suldaan Xasan Oo Dhaliilo Uu Sal Uga Dhigay Cabudhinta Madax-dhaqameedka U Soo Jeediyey Xukuumadda Somaliland

0
41

“Cadceed Casar Joogta Ayaanu Hore Ugu Tilmaamnay Xukuumaddan,  Maantana Waa…”

 

Hargeysa:(Hubaal)-Suldaanka guud ee beellaha Subeer Awal Suld. Xasan Suld. Cabdillaahi Suld. Cabdiraxmaan Ayaa si adag u naqdiyey xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo isaga oo ku tilmaamay in ay tahay xukuumad ku meel gaadh ah oo muddadii loo doortay hoggaaminta dalku dhammaatay.

Suldaan Xasan ayaa dhaliilaha uu xukuumadda u soo jeediyey sal uga dhigay  cabudhin uu sheegay inay ku hayso madax-dhaqameedka dalka. Suldaanka oo shalay  warbaahinta la hadlay, ayaa si gaar ah uga hadlay xadhiggii dhawaan loo geysgtay suldaan Sabayso oo shalay lasoo daayey, “waxa nasib darro weyn ahayd oo dhaqankii iyo xishmaddii Saldanada baarmarsanayd sidii guriga salaadiinta Naloogu soo daadatay, waana ka fog tahay Dawladnimada iyo dhaqankaba, waxana ay ahayd macne afduud.” Ayuu yidhi Suldaan Xasan. Suldaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Suldaan Sabayso ka hadlay arrimo uu sheegay inay qadaf iyo qalad ahaayeen, isla-markaana u baahnaa sixitaan, waxana uu yidhi,“sabayso waxa uu ka gilgishay arrimaha maanta dalka ka socda ee aan cidna u cuntamayn ee wixii la wada lahaa ilayn qaranka xoog laguma qabsane marka dhaliil la sheego in dhaliishaas dib looga joogsado ayey ahayd oo la saxo, nasiid-darro cago-juglayn iyo habeen la isla baxaa waa tii siyaad barre eeday.” suldaan xasanSuldaan Xasan waxa uu xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay mid taariikhda ku gashay xadhiga salaadiinta,“iyadoo faqash iyo xukuumadihii kala dambeeyey aanay ka dhicin in salaadiinta habeen madow loosoo daataa waa taariikh madow oo xukuumaddan uun ku suntun.” Ayuu yidhi Suldaan Xasan. Suldaanka, ayaa intaas waxa uu ku daray, “cadceed casar joogta ayaanu hore ugu tilmaamnay xukuumaddan, Waxana ay ku tegaysaa Cod shacab, maantana waa ku meel-gaadh oo awoodeedii ay  heshiish ku geli kartay way dhamaatay, doorasho ay dalka ka qabato mooyaane wax heshiis ah oo ay dalka ka qaban kartaa ma jirto”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here