Suldaan Xukuumada Ku Hambalyeeyay Xayiraada Ay Ka Qaaday 6 Goobood Oo Ku Yaalla Waqooyiga Hargeysa Oo Ka Xayirnaa Codeynta

0
39

Hargaysa (Hubaal) Suldaan ibraahin suldaan sulub nuur oo ka mida salaadiinta waaweyn ee dalka jamhuuriyada somaliland ayaa dhambaal hambalyo ah u diray xukuumada Somaliland, gaar ahaan wasaarada arimaha gudaha Jamhuuriyada Somaliland isaga oo ugu hambalyeeya xayiraad ay xukuumadu ka qaaday lix goobood oo hore uga xaiyirnaa codeynta doorashada.suldaan-sulub-iiiiiiiiiii-1

lixdan goobood oo ku yaala waqooyiga Caasimada Somaliland ee Hargaysa ayaa aan hore aanay uga dhaci kirin codeynta doorashooyinku iyada oo ay ka jirtay khilaaf ku salaysan maamulka deegaanada iyo gobalada Somaliland xadkoodu taas oo keentay in laga mabnuuco doorashooyinka in laga codeeyo balse xukuumada madaxweyne Siilaanyo ayaa iyadu go,aan ka qaadartay islamarkaan fasaxday goobahaasi.

hadaba suldaan ibraahin suldaan sulub nuur ayaa maanta dhambaal hambalyo xambaarsan u diray xukuumada somaliland isaga oo ku amaanay go,aankaasi sheegayna in xukuumadu garatay inay shacabka deegaanadaasi u soo celiso waxay xaq u lahaayeen oo ka maqnaa mudo badan kaas oo ahaa inay guud ahaanba ka hadhaan codeynta wixii doorasho ka dhacay dalka somaliland.

suldaanka oo maanta la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa arintaasi si gaara ugu amaanay wasaarada arimaha gudaha somaliland, isaga oo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi.

;Waxaabn xukuumada somaliland ku hambalyaynayaa go,aanka ay ka qaadatay goobahii xayirnaa ee waqooyiga hargaysa kuwaas oo tiradoodu dhamayd lix(6) goobood oo aan waligood laga codeyn , waxaan shacabka deegaanadaasina leeyahay ka qayb gala doorashooyinka soona dhaweeyay go,aanka xukuumada somaliland.

isku soo wada duuboo lixdan goobood ayaa ahaa kuwo muran badani ka taagnaa iyada oo wakhtiyada qaarna uu ka dhacay gacan ka hadal iyo rabashado la xidhiidha dhanka amaanka ku salaysana khilaafka goobahaasi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here