Suldaanka Cusub Ee Beesha Cabdi Ciise [Ciidagale] Oo Madaxweynaha ku Bogaadiyey Buuxinta Jagooyinkii ay Banneeyeen Wasiirradii Is Casilay+Kana Hadlay Hanka Muuse Biixi

0
106

Hargeysa (Hubaal)- Sudaanka cusub ee beellaha Cabdi Ciise oo kamid ah beellaha Ciidagale Suldaan Maxamed X. Cabdiraxmaan Gadhyare ayaa Madaxweynaha Somaliland ku ammaanay sida uu durba u soo buuxiyey jaggooyinkii ay banneeyeen wasiirradii shalay is casilay, isaga oo ku tilmaamay madaxweynaha in  aqbalaadii istiqaallada wasiirrada iyo buuxinta bedelkoodiiba ay shacbiga ka riday werwer ay ka qabeen xaallada cusub ee dalku galay.

Suldaan MAxamed Gadhyare oo maalmaha soo socda lagu caleemo saari doono deegaanka Aw Barkhadle ee duleedka bari ee Hargeysa waxaa uu Madaxweynaha ku ammaanay doorka shariifka ah ee uu ku hoggaamiyey qarankan ay dawladnimadiisu dhantahay, isaga oo dedaal u galay in uu xilalka qaranka dayac ka illaaliyo.

suldaanka cabdi ciiseSuldaan Gadhyare oo xalay qoraal bogaadin ah soo gaadhsiiyey wargeyska Hubaal waxaa uu sheegay in laba tallaabo oo madaxweynuhu hore u qaadayba ay farxad gelisay madax dhaqameed ahaan kuwaas oo kala ah in uu iscasilaadiii ka aqbalo wasiirradii is bahaystay ay shalay ku dhawaaqeen, iyo weliba digreetadii uu aafar iyo labaatan saacadood gudahood ku magcaabay baddalkooda.

Sidoo kale Suldaan Maxamed Xaaji Cabdiraxamaan Waxaa uu taageero buuxda siiyey hanka siyaasadeed ee guddoomiyaha xisbiga KULMIYe Muj. Muuse Bixii Cabdi Oo u sharraxan kursiga madaxweyanaha ee xisbiga KULMIYE, waxaana uu sheegay in uu hiil iyo hooba la garab taagan yahay Mujaahida, isaga oo damaciisa ku tilmaamay mid uu xaq iyo xuquuq u leeyahay isla markaana uu musharraxiinta kale oo dhan uga xaq badan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here