“Waxaan aad iyo aad uga xumahanay Tacaddiyada ay ku Hayso Bulsho-weynta Gabooye, iyadoo Ramadaantii uga dhigtay in ay ku afuriso Rasaas”
Hargeysa:(Hubaaal) -Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo ka mid ah madax dhaqameedka somaliland, gaar ahaanna hoggaamiyaha Beelaha Gabooye, ayaa si weyn u cambaareeyey Falal amniga ka dhan ah oo uu sheegay in Ciidanka Ammaanku ku hayaan Xaafadda Daammi ee Magaalada Hargeysa. Suldaaanka oo Maalintii shalay saxaafadda Kula Hadlay Magaalada Burco, ayaa sidoo kale cambaarayn dusha ka saaray Xadhig Dhawaan Ciidamada ammaanku u geysgteen La-taliyihii hore ee Madaxweyne Siilaanyo u qaabilsanaa Dadka Laga Tirada Badan Yahay Md Barkhad Jaamac Batuun oo haatan xorriyadiisa Dib u helay. Suldaan Daakir waxa uu carrabka ku dhuftay in Beesha uu kasoo jeedo ay dhinaca xukuumadda kaga socoto cadaadis iyo tacaddiyo badani, waxana uu cambaareeyey Dhibaatooyinkaas uu sheegay inay dadkiisa ka dhan yihiin, “Waxaan aad iyo aad uga xumahanay una Cambaaraynayaa Xadhiga Xaqdarada ah ee lagu la kacay Mudane Barkhad Jaamac Hirsi iyo Tacadiyada Maalinba maalinta kasii danbaysa ka soo daraya ee ay xukuumada Siilaanyo ku Hayso Bulsha waynta Gabooye,iyadoo Xataa bishii Barakaysnyad ee Ramadaanta ahayd uga dhigtay in ay ku afuriso umada ku dhaqan Xaafada Daami Rasaas Hoosta ay ugu dhigayaaan Ciidamada amniga oo aan la garanayn iyagu Cida ay ka Amar qaadanayaan.” Ayuu yidhi Suldaan Daakir. Suldaanka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu intaas ku daray, “waxaana wada ogsoontihiin Xukuumadan maanta Jirtaa in ay Caadaysatay in markasta ay Xanjabaad iyo Caga jugleyn xidhis kula kacda Cidkastoo Mucaaraada ama ka soo horjeesata dulmiga ay ku haysto Bulshada Somaliland Gaar ahaan Beelaha Gabooye oo iyagu Horayba uga qatanaa Xukuumada, Haatana Siyaasiyiinteedii iyo Haldooradeedii lagula kacayo Xadhig iyo Xoriiyad ka qaadis.” Sidoo kale waxa uu fariin u diray beeshiisa waxaanu yidhi “Beelaha gabooye waa beesha qudha ee aan qori qadan ee aan ku suntanayn colad waa Beel alle ugu deeqay dulqaad iyo nabad jacayl waad arkaysan waxa dulmi iyo cadaadis ay ku hayso xukumda faashilka ah ma aha in ay ka doondoonto xukuumadu inay bilaaban amni daro iyada oo lagu jiro bisha barakaysan waxanu ka xunahay oo aanu ka soo horjeednaa maatida lagu afuriyay xabada arxan darada ah.” Dhinaca kale waxa uu sheegay in muddooyinkii u danbeeyey ay xukuumadu dhibaatooyin kala duwan ku haysay bulshada ku dhaqan xaafada Daami ee magaalada Hargeysa, “Muddooyinkii ugu danbeyeyna Xukuumada siilaanyo waxa ay faragalin iyo Hanjabaad kula kacaysay Xafada Daami oo ah xaafad ay dagaan bulsho Masaakiinta ah, oo markasta oo fal yari ka dhacaba Boolisku u adeegsadaan rasaas nool nool in ay hoos ugu dhigaan umad aan hubaysnayn, xoog iyo awoodna lahayn ay wax iskaga celiyaan.” Suldaan Daakir waxa uu intaas raaciyey “Anigu ka suldaan ahaan ku baaqi maayo in qori la qaato balse waxaan ku baaqayaa in cadaalada loo sinnaado, Maanta hadii qofkii ay xukuumadu u aragto in uu danaheeda wadayn il qaloocan ku eegto taas waxa ay meel kaga dhacaysaa qaran nimadii iyo dimuqraadiyadii xukuumadani ku fanaysay” La-taliyihii hore Madaxweynaha ugu qaabilsanaa Dhinaca Dadka laga tirada Badan yahay, ayaa isagu dib xorriyadiisii u helay inkastoo aan la caddaynin sababta xabsiga loo geliyey.