Waxaa uu Farta Ku Fiiqay Saami-qeybsiga Kuraasta Qaranka Oo Ay Beeshiisu Faradho Madhan Ka Joogto
Hargeysa (Hubaal) – Suldaanka beellaha Muuse Dheriyo Suld. Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil ayaa madaxweynaha, axsaabta siyaasadda iyo goleyaasha kale ee qaranka ugu baaqay in ay meel ku tiiriyaan saamigii ay beellahooddu ku lahaayeen ka qayb galka talada dalka, kaasi oo ay waqti xaadirkan uu sheegay in ay faro madhan ka joogaan. Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil oo maalintii shalay warbaahinta kula hadlay magaallada Hargeysa ayaa ka soo bandhigay qorsheyaasha siyaasadeed ee ay muhiimka tahay in lagu dhaqo saami qaybsiga kuraasta qaranka oo uu sheegay in ay ku filnaan lahayd beellaha wada dega dalkan Somaliland haddii si siman loo qaybiyo. Suldaanka oo hadalkiisa ku bilaabay sidan waxaa uu yidhi “1991-kii markii Burco lagaga dhawaaqay lasoo noqoshada JSL, ayaa beelihii Somaliland iyo ururkii SNM ee markaasi talada dalka dib xorriyadeenii lixdankii luntay innoogu soo celiyay ayaa wada fadhiistay, waxaana lagu heshiiyay, inaynu dawladnimo dhisano oo xornimadeenii inoo soo noqoto, laysna xaq siiyo. Waxaase nasiib darro ah maalintaa ilaa maantaadan aynu joogno, wax badani kamay suurto galin saami qaybsigii qarankan xaqa ugu lahaa, gaar ahaana beelahayagan Muuse Dhariyo, ee dalkan iyo qarankan ku nool ee Koonfurta Soomaliya iyagu aan maanta ahayn, ee iyagu ah asal Somaliland (British Protectorate) ee dalkan kazoo jeeday. Weli ma hayno saamigii aanu goleyaasha qaranka ku lahayn, siiba golaha sharci dejinta ma hayno lanamana siin. Markaa maanta waxaanu u aragnaa si dhab ah arintaasi loo galo oo beesha Muuse Dhariyo xaqa ay dalkan ku leeyihiin helaan. Beri dhawaeyd oo ay qoladaa Koonfurtu ay gobollada Waqooyi dadyowga ay u aqoonsan yihiin, waxay mar ay Baydhabo ku shirayeen yidhaahdeen; Isaaqa, Samaroon-ta, Ciisaha iyo Muuse Dhariyuhu. Innaga halkan (Somaliland) waxaad moodaa in aanay beeshani kaba mid ahayn, oo nin afhayeenka xukuumadda ah (wasiirka wasaaradda warfaafinta dahaqanka iyo wacyigelinta) oo shalay ka hadlayay saami qaybsiga runtii inuu kaba reebayba beesha Muuse Dhariyo, oo uu beelaha Harti iyo Samaroon ee cidhifyada uun ka dhigay beelaha tabanaya.”
Suldaan Naasir waxa uu ugu dambeyn baaq u diray madaxweynaha Somaliland Axmed maxamed Maxamuud Siilaanyo, madaxda asxaabta qaranka iyo guddoonka golaha baarlamaanka, isagoona gaar ahaan madaxweynaha JSL kaasi oo uu ku tilmaamay rug-caddaa in badan wakhtigiisa galiyay sidii dalkani u heli lahaa xaq iyo caddaalad dhabta ku salaysan usoo jeediyay inuu qaato talooyinka haboon ee dadyowga caqliga u fayoobi usoo jeediyaan, sida taladii Saami qaybsiga ee uu soo jeediyey Prof. Gees, taasi oo suldaan Naasir ku tilmaamay mid aad u wanaagsan, waxaanu yidhi; “runtii ereyga noocaas ah, dadyowga qarankan ku dhaqan in qaarna la sheego qaarna laga tago, waxay nusqaan ku tahay qarankan oo ay qaranimadiisa wax u dhimaysaa, waana arin fool xumadeeda leh masuul ku hadlaya afka xukuumadda/qaranka in dal dadkiisii ay kala reebaan, annagoon sii ta’kiidinayn arrinkaa aanu aadka uga xumaanay, ee markaanu maqlaynay xalay ka damqanay. Waxaan leenahay madaxweyne waxaad muddo dheer naf iyo maalba u hurtay, wakhtigaagii ku bixisay, cimrigaaga intii ugu xooga badnayad aad u galisay, si aad ummad xaqeeda, Isaaq oo keliya ma ahe ilaa Annaga (beelaha gabooye) xaqayaga aanu u heli lahayn oo aanu qaran xor iyo xalaal ah u noqon lahayn. Madaxweyne Illaahay hagu asturo, taladii prof. Geesna talo macquula bay ahayd, dadka caqliga u saliimka ah iyo talayadana qaado oo ku dar, oo madaxweyne ka jar gobollada Maroodijeex iyo Tog-dheer iyo Saaxilba, ilayn dadka gobollada dalkan la leh weeyi beesha gabooye, si ay iyadu dhexdeeda ugu tartanto, taas ayaa ugu macquulsan baan qabaa ee markaasi madaxweyne ku dhiiro, adigay aakhiradaada, ifka iyo taariikhdaadaba u fiican tahay talaabadaadii iyo geesinimadii ahayd inaad xaqa u hiiliso ayay u fiican tahay.”