Suldaanka Guud Ee Beellaha Muuse Dheriye Oo Laba Wejiilleyn Ku Tilmaamay Hadalka Kasoo Yeedhay Beesha Caalamka

0
70

“Annaga [Beellaha Laga Tirada Badan Yahay] Waxaad Mar Walba Nagu Garab Siinayseen   Sidii Talada Dalka Nalooga Qayb Galin Lahaaye, Laba-Wejiileyn Idiinkama Baahnin”

salaadiinta-muuse-dhariyo

 Hargeysa (Hubaal)- Suldaanka guud ee beellaha Muuse-dheriyo Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil oo uu weheliyo hoggaanka dhaqanka iyo salaadiinta beellaweyntaasi ayaa madaxweynaha ku garab istaagay mawqifkii uu ka qaatay saami qeybsiga kuraasida golaha wakiillada iyo go’aankii  uu ku kala reebay labada doorasho ee madaxtooyada iyo golaha wakiillada. Suldaan Naasir waxaa kale oo uu ka hadlay dhawaaqyo is burinaya oo beesha caalamka ka soo yeedhay marar kala duwan kuwaas oo uu sheegay in ay marna dabada ka riixaan mashaariicda loogu ololeynayo in beellaha laga tirada badan yahay laga qayb galiyo talada dalka, marna ay caqabad ku noqonayaan dhabihii loo mari lahaa saami qeybsiga. Suldaan Naasir oo arrimahaa ka hadlayaa waxaa uu yidhi “Anigoo ah Suldaankii guud ee beellaha Muuse-dhariyo ee Somaliland iyo Odaygan oo ah hoggaanka dhaqanka ee salaadiinta beellaha Muuse Dheriyo ee Somaliland, Waxaanu si weyn halkan uga hambalyaynaynaa  go’aanka uu madaxweynuhu ku kala qaaday labada doorasho ee Golaha wakiillad iyo tan madaxweynaha, annagoo og in xaqiiqatan ay tallaabada uu ku dhaqaaqay tahay mid qaran oo ummada iyo qarankuba u baahnaayeen”. Sidaas ayuu yidhi Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil oo ah suldaanka guud ee beellaha Muuse Dheriyo oo maalintii shalay warbaahinta kula hadlay  magaallada Hargeysa. Suldaanku waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Muwaadiniinta reer Somaliland ee qarankan wada hadhsanaya la isa soo gaadhsiiyo, si ay xuquuq siman u helaan “waxaanu go’aanka madaxweynaha u aragnaa in uu yahay mid dan u ah dadka qarankan wada leh, kwaas oo ay muhiim tahay in la isa soo gaadhsiiyo oo wax la wada qabo, oo tareenku mar inala wada dhaqaaqo. Markaa Madaxweynaha waxaanu leennahay Md. Madaxweyne waanu kugu hambalyaynaynaa oo tallaabo geesinimo leh baad qaaday, waana tii lagaa sugayay, Somaliland-na maanta cid kaa weyn oo kaa waayo aragsan oo kaa waayeelsan dhinaca siyasaadda ma jirto, cid hoggaamin lahayd oo go’aanka noocan oo kale ah ku dhici lahaydna ma jirto adiga mooyee”. Ayuu yidhi suldaanku.  Geesta kale waxaa uu Suldaanka Guud ee Beellaha Muuse dheriyo baaq u diray Axsaabta qaranka iyo guud ahaanba jileyaasha siyaasadda, “Waxaanu halkan farriin uga diraynaa xisbiyada qaranka, goleyaasha qaranka, waxgaradka, odayaasha, madaxdhaqameedka, dhalinyarada, dhammaantood waxaanu leennahay in ay madaxweynaha ku raacaan go’aanka uu soo saaray, ciddii ka soo horjeedsatana waxaanu leennahay oo aanu u aqoonsannahay in ay yihiin cid qarannimada wax u dhimaysa. Sidoo kale waxaan Beesha Caalamka ugu baaqayaa in ay ixtiraamto duruufaha ka jira dalkan Somaliland iyo siyaasadda ay madaxdiisu ku hagayaan. Annagu Laba-wejiileyn idiinkama baahnin, annaga [Beellaha laga tirada badan yahay] waxaad mar walba nagu garab siinayseen oo aad lacagta nagu siinayseen sidii talada dalka nalooga qayb galin lahaa, dee maanta markii madaxweynihii ay talada dalku ka go’aysay uu yidhi waar ummadaas [laga tirada badan yahay] wax ha la siiyo haddaad xidhiidhkii caalamka ayuu madaxweynuhu baabi’iyey, goormaad saxan tihiin bal idinkaan idin weydiiyee?. Annagu waxaanu qabnaa in sidaas aad u dhaqmaysaan ay laba wejiillenimo tahay, waxaanu u arkaynaa mid Somaliland aad ku xaqiraysaan, waayo qarankani waa qaran curdin ah  oo xorriyadiisa iyo dawladnimadiisa waddo dheer loo soo maray, waa qaran u baahan in si dhab ah la isu garab taago si ay u suurto gasho in saami-qaybsiga deegaannadiisa si fiican loogu qaybsado. MArkaa annagu waxaanu aaminsannahay haddaanu wax ku helayno iyo haddaanu wax ku waayaynoba aanu garab taagannahay Dalkayaga iyo dawladnimadiisa” ayuu suldaan Naasir Yidhi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here