Suldaanka Guud Ee Danwadaago (Ciise Muuse) Oo Soo Gabogabeeyay Shir Beeshiisa Uga Socday Xamaas

0
31

suldaan-cali-saleebaan

Xamaas (Hubaal) shir dhaqameed lagu midaynayay beelaha danwadaago (Ciise Muuse) oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday deegaanka Xamaas ee gobolka Saaxil ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay degmadaas.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen aqoonyahanka, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo madaxda saddexda xisbi qaran ugu jira beelahaasi ayaa gunaanadkiisii odayaasha deegaankaasi ay kasoo saareen qoddobo layla qaatay intii uu socday shirkaasi.

“shirkii tabantaabo oo ahaa isku keenida iyo isku xidhka beesha, iyadoo aanu ku jirin habayaraatee wax siyaasad ah. Shirku wuxuu ahaa shir midnimo oo lagu mideynayo beesha wadaago iyo beesha la degta ee deriska la ah” sidaasi waxaa yidhi mid kamid ah hawlwadeennadii shirkaas.

Suldaanka guud ee beelaha danwadaago suldaan Cali Saleebaan Maxamed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay dadkii soo qabanqaabiyay madasha shirkaasi, isagoo fariinna u diray siyaasiyiinta beelahaasi kaga jira xukuumadda. “waxaan halkan mahadnaq uga dirayaa intii qabsoomida shirkan gacan ka gaysatay. Waxaan halkan farriin uga dirayaa siyaasiyiinta beesha kasoo jeeda ee dawladda ku jira, oo aan leeyahay, waar dadkiina iyo dawladda ha kala fogeynina ee isku soo dhaweeya oo is fahamsiiya.”

Gabagabadii, waxaa halkaasi lagu doortay guddi ka kooban saddex iyo xubnood oo si toos ah ula shaqayn doona beesha

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here