“Aad Baan Uga Xumahay In Xisbiga WADDANI Eed Aanaan Lahayn Uu Igu Sheego, Waanan Maamuusaye Inay Been Abuur Igu Sameeyaan Kama Aan Filaynin….” Suld. Maxamed Suld. Cabdiqaadir.
Hargeysa:(Hubaal)-Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa si cadho leh uga falceliyey been abuur iyo majaro habaabin ay masuuliyiinta xisbiga WADDANI ku sameeyeen hadallo uu dhawaan ka jeediyey xafiis cusub oo xisbigaasi ka furanayey deegaanka Halleeya ee bariga Hargeysa.
Suldaan Maxamed oo warbaahinta la hadlay, kadib markii masuuliyiinta xisbiga WADDANI warbaahinta ku faafiyeen hadallo aan afka suldaanka kasoo bixin oo ay sheegeen inuu suldaanku ku eedeeyey goobtaas xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE,taas oo uu suldaanku si weyn u beeniyey.
Suldaan Maxamed waxa uu ugu horrayn ka faallooday sababta geysay munaasibadda xisbiga WADDANI xafiiska kaga furanayey deegaanka Halleeya, waxana uu tilmaamay inaanu marnaba filaynin in masuuliyhiinta xisbigu hadalkiisa beddeli doonaan,“anigu goor ay barqadii tahay ayaan tuulada Halleeya qabtay, umaan soconin wixii meesha ka jiraye si alle ayuun baan ula kulmay iyadoo xarun cusub laga furayo meesha. Anigana way igu adkaatay in xisbi kamid ah axsaabta qaranka oo meel furanayo inaan dhaafo, laakiin kama aan filaynin wixii aan meesha kaga hadlay inay beddelaan oo ay been abuur umadda u sheegaan.” Ayuu yidhi suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.
Waxa uu suldaanku sheegay inaanu wax aflegaaddo ah u geysanin xisbigu-xaakimka KULMIYE, isla-markaana aanu ammaanin dhiggiisa WADDANI, waxana uu yidhi,“Anigu KULMIYE-na ma caayin xisbigoodana ma ammaanin wax farogelin ahna kuma samaynin, saddexda xisbi qaranna aniga waa isku kay mid kii ii yeedhana waan u tegayaa, kii aan ii yeedhanna faraha la geli maayo.”
Suldaanku waxa uu wax laga murugoodo iyo aamin-ka-bax ku tilmaamay majaro habaabinta xisbiga WADANI ku sameeyey hadalladii uu munaasibadda ka jeediyey, isagoo maamuuskii uu xisbigaas u muujiyey ku tilmaamay hal bacaad lagu lisay,“Haddii ay WADDANI dhab sheegayaan maxay u soo dayn waayeen halkii aan KULMIYE ka caayey, aad baan uga xumahay in xisbiga WADDANI eed aanaan lahayn uu igu sheego, waanan maamuusaye inay been abuur igu sameeyaan kama aan filaynin, umadda reer Somaliland-na waan ka raalligelinayaa beer abuurkaas la iga sameeyey.” Ayuu yidhi suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.