“…….Waxaan Leeyahay Dhaqanka Dembe Ee Nasoo Galay Waxbaanu Ka Beddeli Doonaa, Laakiin…..”
“… Hawshii Salaadiintu Ay [Somaliland] U Hayeen Waxaa Qabta Wasiirrada, Waxaanse Leeyahay Aniga Iyo Wasiir Dembe Isku Qabsan Mayno….”
Hargeysa-(Hubaal)- Suldaanka Guud ee Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi ayaa sheegay in shaqadii madax-dhaqameedka ay si toos ah ula wareegeen Xubnaha wasiirrada ka ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaana uu quus ka muujiyey burburka ku yimi maamuuskii bahda dhaqanku ku lahaan jirtey Somaliland. Suldaan Maxamed Oo Shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa kadib markii uu kasoo laabtay safar uu ku tegey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, ayaa mudadii uu ku sugnaa halkaas waxa uu casho sharaf uu mid kamid ah madaxda dhaqanka deegaankaasi u sameeyeen ka sheegay in haybadii dhaqanka Somaliland ay saamaysay siyaasaddu marka loo eego dhinaca Puntland, waxana uu si weyn ula qushuucay maamuuska ay madax-dhaqameed Deegaanada Puntland ku dhex leeyihiin maamulkooda iyo sida shaqadooda halkaas looga ixtiraamo. “Howshii Salaadiinta Somaliland la-haayeen wasiiradda ayaa qabta, laakiin Isimadda Puntland waxaan ogaaday inay doorkooda haystaan oo xukumaddu aanay ku faro galin, laakiin annaga (somaliland) way ka duwan tahay, waa dhaqan danbe oo nasoo galay, waxaan leeyahay horta dhaqankaasi waxbaan ka badali waa aniga iyo wasiir danbe beesha isku qabsan mayno, runtii halkan waxaanu ugu nimi dad Ehlu karam ah oo aad qadarinta u yaqaana” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir. Eeddan uu Suldaanku u jeediyey sida ay Xubnaha wasiirrada ahi madaxa ugu duubteen shaqadii madaxda dhaqanka, ayaa inta badan laga dareemaa somaliland, waxana meesha kasii baxaysa awoodda madaxda dhaqanku ku dhex lahaayeen Bulshadooda. Deegaanada Puntland, ayaa madaxda dhaqanku ku leeyihiin xaq-dhawr iyo karaamo ka badan midda Somaliland taalla, waxana taas markhaati ka ah inuu Suldaan Maxamed Suldaaan Cabdiqaadir isagoo kaashanaya Awoodda salaadiinta uu ku guulaysto inuu xabsi kasoo daayo Awbaan Cabdiwaaxid Gamadiid oo Garowe loogu xidhay arrimo argagixiso. Suldaanka oo uu garab socdo Abwaan Cabdiwaaxid Gamadiid, ayaa maalintii shalay kasoo degay Garoonka Cigaal International Airport, kaas ooh ore xukun dil ah loogu riday.