Hargeysa(Hubaal)-Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar oo ah suldaanka galay buuralayda galbeed ee gobalka Awdal ayaa mar kale iska soo duubay muuqaal uu ku baahiyay baraha internetka.
Muuqaalkaas oo uu Suldaan Wabar kaga hadlayo dhuumashada uu ku jiro iyo fikirkiisa, wuxuu sheegay inaanay jirin ergo sida uu sheegay sharaf leh oo ay xukuumadu u dirtay, taas bedelkeedna wuxuu sheegay in gobalka la geeyay ciidamo badan oo isaga baadi goobaya. “Caqli lama keenin ergana lanooma soo dirin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay, “Halkii ergo laga soo diri lahaa ciidamo xoog badan ayaa lanoo soo diray oo leh waanu soo qabanaynaa. Waxaan idiin sheegayaa nama qaban kartaan, imana soo qaban kartaan.” Wuxuu Suldaankani dhallinyarada Awdal ugu baaqay inay taageeraan fikirkiisa. Suldaan Wabar oo muuqaalkan iskaga soo duubay dhul buuro ah oo ay dabayl badani ka dhacayso,wuxuu sidoo kale farriimo u diray dadka Somalida. Suldaankan ayaa waxa ku maqan xubno wasiiro ah oo ku sugan Borama, kuwaas kulamo la leh wax garadka iyo odayaasha reer Awdal ee Borama ku sugan.
Geeska