Suldaanka Subeer Awal Oo Soo Dhaweeyey Heshiiskii Somaliland La Gashay Imaaraadka Carabta

0
32

Hargeysa (Hubaal)- Suldaanka Guud ee beesha Suber Awal Suldan Xassan suldan Cabdilaaahi oo shalay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland kula hadlaayey magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu ka hadley qaabkii ay dawlada jabuuti u mamustey madaxweyne siilanyo. Suldaanku waxaa uu sheegay in dawlada jabuuti iyo Somaliland ay walaalo yahiin balse ay xidhiidhkaas wacan ee ka dhaxeeya labada wadan ay xadhkaha u jarayan nin dibad joog ka ah dalkaasi oo tageero dhinca Somaliland ah ka helaya siyaasi aanu magac dhabin oo uu ku sheegay ninkii faro galinta ku hayey sandaalada Suber Awal waxaana uu yidhi xasa“Arrimo la wal hinaayo oo uu wado nin dibad joog ah oo aanan magacabeyn bayac mushtarina ah oo cadaw ku ah dalka Jabuuti halkana inagu soo dhex tuurayo in laba shacbi ay maanta isku dhacaan adeer lanagu soo dhex tuuri maayo ayaan leeyahay isaga iyo inta la wada in Jabuuti iyo Somaliland caloobaan oo ay ka mid yahiin kuwii barigii dhaweyd sandalada faro fareynaayey ayaa hadana xagan kale laftigeedii aynu wax ka dareemeynaa. Shacbiga Somaliland iyo Jabuuti waa walaalo cid isku diri kartaa ma jirto cid dhex gali kartaa ma jirto cid Somaliland dhexdeedana colaad uga sameyn kartaa inta aanu noolnahay ma jirto xaalna waanu ka bixineynaa arintan dhacdey ” ayuu yidhi suldaanka guud ee beesha Suber Awal,

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here