U Fiirso Khaladka Ka Muuqda Tixraaca Taariikheed Ee Lagu Sheegay In Ay Wareegtadani Soo Baxday
“Maanta Oo Taariikhdu Tahay 11 July, 2016ka Wuxuu Hoggaanka WADDANI Go’aamiyey In Md. Cabdi Haybe Maxamed Uu Noqdo…..”
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa Siyaasiga Cabdi Haybe Maxamed u magacaabay in uu noqdo Xoghayaha hawlaha guud iyo guriyeynta xisbiga WADDANI. War-muriyeed ka soo baxay xisbiga WADDANI oolagu socodsiiyey Cabdi Haybe Maxamed Isla markaana ogaysiin lagu siiyey guddida fulinta ee Xisbiga WADDANI, Hoggaanka xisbiga iyo gaar ahaan xoghayaha guud ayaa lagu sheegay magacaabista masuulkan.
Hase yeeshee Magacaabista Cabdi Haybe Maxamed ee ku suntan wareegtada uu guddoomiyaha xisbiga WADDANI soo saaray ayaa qoddobka xusida mudani yahay in ay khaldanayd tixraaca taariikhda soo baxday warqaddaasi oo lagu sheegay inay ahayd shalay oo taariikhdeeda lagu sheegay in ay ahayd 11-ka July 2016, halka ay taariikhda saxda ahi ka ahayd 29-ka July. Qoraalka magacaabista ah ee hoggaanka WADDANI soo saaray oo loo kala diray warbaahintuna waxaa uu u dhignaa sidan:
KU: Cabdi Haybe Maxamed =Hargeysa=
OG: Guddida Fulinta Xisbiga WADDANI =Hargeysa=
OG: Hoggaanka Xisbiga WADDANI =Hargeysa=
OG: Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI =Hargeysa=
Ujeeddo: Magacaabis Xil
Markaan darsay: Qodobka 28aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI
Markaan Arkay: Baahida loo qabo in la buuxiyo Jagada Xoghayaha Hawlaha Guud iyo
Guriyeynta
Markaan la Tashaday: Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI
Markaan ku Qancay: Waayo-Aragnimada iyo Aqoonta uu leeyahay Md. Cabdi Haybe Maxamed
Maanta oo taariikhdu tahay 11 July, 2016ka wuxu Hoggaanka Xisbiga WADDANI go’aamiyey in Mudane Cabdi Haybe Maxamed uu noqdo Xoghayaha Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xisbiga WADDANI.
Waxaanu Ilaahay ka baryeynaa in uu ku soo kordhiyo Xisbiga WADDANI fikrado wax-ku-ool ah iyo in uu ku soo biirin doono waayo-aragnimadiisa iyo khibradiisa u gaarka ah.
ALLA MAHAD LEH
Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro)
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI” ayaa lagu yidhi magacaabistan.